Beel Soomaaliyeed oo ka Cabaneysa Dowladda Soomaaliya.
| Friday February 22, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Beel ka mid ah beeleha Dega Gobolka hiiraan ayaa cabasho ka muujisay qaabka ay Dowladda Soomaaliya u dooneyso in ay Maamul goboleed ugu Sameyso Gobolka hiiraan.
Beel
ka mid ah beeleha Dega Gobolka hiiraan ayaa cabasho ka muujisay qaabka ay
Dowladda Soomaaliya u dooneyso in ay Maamul goboleed ugu Sameyso Gobolka
hiiraan.
Kulan
ay isgu yimaadeen Odayaal, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo wax garad ka Sooheeda
beesha jajeele oo ka mid ah beelaha soomaaliyeed ee dega Gobolka Hiiraan aye ku
sheegeen in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Fedelaalka ay dooneyso
in ay Xilalka ugu sareeyo siiso Hal beel, waxeyna Tilmaameen in ay arinkaasi si
aad ah ugu xunyihiin.
Kulanka
ay iskugu yimaadeen beeshaani ayaa sabab u aheyd kadib markii ay gaartay warqad
tusaaleyneysa qaab ka Xilalka look ala siinayo Beelaha wada dega Gobolka
hiiraan, taasoo sababtay in aysan ku qancin Beesha jajeele.
Maxamed Cumar oo ka mid ah waxgaradka Beesha Jajeele ayaa sheegay in ay dowladu siisay xililka ugu muhiimsanaa Dowladu hal Beel, iyadoo uu sheegay in ay beeshu Baaq u Gudbineyso, baaqaasi oo ah in ay wax ka badalaan Dowladda soomaaliya qaabka ay u doonayaan in ay wax u dhisaan Beel walibna ay siiyaan qibintii ay xaqa u lahaayeen
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Email: madkacali@hotmail.com
Tel: 252615573762
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter: www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS