Shirweyne lagu dhisayo Maamulka Jubbaland oo barito ka Furmayo Kismaayo.
| Friday February 22, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Waxaa Maalinta Berito ah lagu wadaa in uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweyne lagu doonayo in lagu dhiso maamul goboleedka Jubboland, Shirkaasoo ay horay u shaaciyeen Gudiga dhisida Maamul Goboleedka Jubbaland in la Qabanayo 23-2-2013.
Waxaa
Maalinta Berito ah lagu wadaa in uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweyne
lagu doonayo in lagu dhiso maamul goboleedka Jubboland, Shirkaasoo ay
horay u shaaciyeen Gudiga dhisida Maamul Goboleedka Jubbaland in la Qabanayo
23-2-2013.
Macalin
Maxamed Ibraahin Maxamuud Gudoomiyaha Gudiga dhisida Maamul Goboleedka
Jubbaland oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu shirkaani sida loo
qorsheeyay uu u dhacayo.
“Shirku
wuxuu dhacayaa maalinta barito ah, wax waliba waxey ku socdaan sidii loogu tala
galay, shirkaana waxaa ka soo qeyb galaya guud ahaan masuuliyiinta dadka wada
daga gobolada loogu tala galay in ay hal maamul ku midoobaan, waxaana alle ka
rajeynayaa in uu ku soo dhamaado si habsami leh” ayuu Gudoomiyaha Gudiga
dhisida Maamul Goboleedka Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahin Maxamuud.
Ugu danbeentii Macalin Maxamed Ibraahin Maxamuud ayaa sheegay in ay dhawaan guddi u direen Gobolka Gado qeybo ka mid ah si ay u soo xaliyaan beelo la sheegay in ay wax tabanayaan, lana Filayo in ay ka soo qeyb galaan shirkaasi, iyadoo uu ku baaqay in ay Cid waliba ee wax tabaneyso ay soo gudbiso loogana xaliyo si maamul waara uu uga soo boxo shirkaani.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Email: madkacali@hotmail.com
Tel: 252615573762
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter: www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS