Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Switzerland oo xadgudub ku tilmaameen xariga Wariye Koronto.
| Friday February 22, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Waxaa
maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Surgeee dalka Switzerland jaaliyadda beesha Digil iyo Mirifle ee dalka
Switzerland, waxeyna shirkaasi jaraa’id ay uga hadlayeen arimaha wariye
C/Casiis CNuur Ibraahin Koronto ee Howl gali jiray idaacadda dalsan oo ay
dowladda Soomaaliya dhawaan ku xakunta 1
Sanno oo Xarig ah.
Gudoomiyaha
jaaliyadda beesha Digil iyo Mirifle Switzerland C/naasir Mayoow Meere oo ka
hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in Wariye Koronto uu yahay xarigiisa mid
xaqdaro ah, isla markaana ay dowladda xakun qalad ah ku riday wariyahaasi.
Gudoomiyaha
ayaa sidoo sheegay in ay Maxkamadda Gobolka banaadir u fududeysi siideysmadiisa
racfaan, taasoo uu ku sheegay in haddii ay u fududeeyaan qaladka ay ka galeen
uu nusqaamayo.
Ugu
danbeentii waxaa soo badanaya Codsiyada lagu doonayo in Wariye C/Casiis Koronto
la siidaayo iyadoo ay codsiyadaasi iskugu jiraan in lagu siidaayo racfaan amaba
maxkamada ka laabato xakunkaasi qaladka ah ee lagu riday wariye Koronto.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Email: madkacali@hotmail.com
Tel: 252615573762
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter:
www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS