Qarax qasaaro geystay oo Xalay ka dhacay Muqdisho.
| Friday February 22, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Shan
Ruux ayaa ku dhaawacanta Xalay maqaaxi ku taala Degmada Hodan kana soo
horjeeday Saldhiga Degmada waabari ee Magaalada Muqdisho, dhaawaca dadkaani
ayaa ka danbeysay ka dib markii ay maqaaxidaasi uu ka dhacay qarax.
Qaraxaani
oo ahaa Bamka gacanta laga tuura ayaa la sheegayaa in lagu weerarayay saldhiga
Degmada waabari, Balse bamka qoladi tuurtay ku kahdoomeen bamkuna ay ku tuureen
maqaaxidaasi ay ku waxyeeloobeen 5 Ruux.
Saraakiil
ka Tirsan Saldhiga Degmada waabiri ayaa warbaahinta u sheegtay in ay gacanta ku
soo dhigeen gaari nuuca loo yaqaana Rooneed, kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa
midkii laga tuuray bam gacmeedka waxyeelada geystay, waxeyna saraakiishaasi
Tilmaameen in ay saarnaayeen gaarigaasi 5 Rag ah ayna qaarkood qirteen in
gaariga laga dhextuuray bamka.
Ugu
danbeentii shantaani Ruux ee dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxaani bam gacmeedka
ah ayaa isla markiiba uu qaraxa dhacay loola carayay isbitaalada magaalada
muqdisho qaarkood, halkaasi oo haatan dhawacoodu lagu dabiibayo.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Email: madkacali@hotmail.com
Tel: 252615573762
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter:
www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS