DULMI QARAN KUMA DHISMI KARO TAAS AWGEED (GOBOLADDA KUUFUREED WAA ASTAANTA CADAALADDA SOMAALIYA).

  Friday February 22, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Sida la ogsoon yahay doorka Qowmiyadaha daga Koboladda Kuufureed kaalinta ay uga jiraan Qaranka Soomaaliyeed iyo halgankoodii dheeraa ay u soo galeen dhismaha qaranka iyo xoreynta dadweynaha Soomaaliyeed.


Waxaan ognahay in la dagaalankii Gumeysiga ay qayb ku lahaayeen qowmiyadaha dega Gobolka shabeelaha hoose; Cid walbana way ka warqabtaa in ( Dagaalkii Lafoole) u ahaa meesha kaliya ee lagu jabiyay Gumaysiga Talyaaniga.


Waxaan kaloo ognahay in gumaystaha uu soo cagadhigi waayey xeebta gobolkaas laguna qasbay muddo dheer inay badda soo dhaafin.


Waxaan wada ogsoonahay in Ciidankii Darwiishtii Kuufurta uu Hogaaminaayay Haji Ahmed ( AW DARAAWISHOOW) iyo Culumadii la soo dagaal gashay Taleex, sedeed sanadood ay dhamaamtood ka soo jeedeen Gobolka Shabeelaha Hoose( Southern Dervish Leader) The shipping of Somali Society Lee V. Cassanelli.


Waxaa kaloo xasuus iyo qadarinba mudan in dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeeladda hoose ay hormood u ahaayeen aas-aasidii Xisbayadii SYL iyo HDMS(Xisbiyo).



Taas waxaa cadeynaysa in SYL dadkii ugu caansanaa ay ka mid ahaayeen Sheikh Cabdulqaadir Saqaawadiin, Barbe iyo Gudoow, oo ka mid ahaa aasaasiyadii LEEGADA, iyo Ustaad CUSMAAN oo lafdhabar u ahaa dejinta xeerka iyo maamulka guud ee SYL. kuwaasoo dhammaantood ka soo jeeday degaan ahaan Qowmiyadaha daga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaan kaloo ognahay In Xisbigii 70 sano ka hor soo jeediyay in wadanka lagu dhaqo habka maamul wadaag ama federaal ay fikir ahaan soo jeediyeen Sheikh Abdulahi Bagadi iyo Abukar Qassim ayagana ay ka tirsanaayeen Degaanka.


Waxaa kale oo xasuusin Mudan inay qayb wayn ku lahaayeen fidinta DIINTA Islaamka taasna waxaa cadeeyneyso Sheikh Aweys Ibn Mohamed Al – Barawi Al-Qadiri oo ku dhashay Gobolakaas, oo gaarsiiyay barista diinta Islaamka geeska africa ilaa Kuufurta Africa.


Dadkaasoo dhan waxaan maanta u xusaynaa kaalinta ayka soo qaateen raadinta iyo jiritaanka Qaranka Somaliyeed iyo heerka ay maanta ku nool yiihiin oo ah mid dib u dhac dhankastaba ah, tasoo lidi ku ah dhaqanka suuban ee Soomalida badankeed aaminsan tahay iyo mida diinta Islaamkaba ka baxsan, waxaa wali laga hortaagan yahay maamul ay ayaga u madax banaan yihiin dhismahiisa. Taas awgeed waxaan aaminsanahay dulmigaas faraha badan ee ka jira dhulkeeni hooyo inuu hor taagan yahay Qaran Soomaliyeed oo salkiisu yahay Cadaalad.


Waxaan kula talinayaa guud umadda Soomaliyeed ee jecel cadaalada iyo nabad kuwada noolaashaha iyo gaar ahaan Dowladda Federaalka ee Soomaliyeed Madaxwaynaha, Raisal Wasaaraha iyo Dr. Mohamed Osman Jawari oo asagaba ku dhashay magaaladda Afgoi, kana tirsan dadka degaanka oo fahmi karo dhibkooda. Waa inay xoog saraan sidii Gobolkaas nabad iyo cadaald dib loogu soo celin lahaa, si ay u istaagto dhalinyaradii oo caro darteed ugu biiraayo argagixisadda, tasoo keeni karta mushkilad hor leh.


W/Q: Sheikhnor Abukar Qassim

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS