Sadax Ruux oo Xalay lagu Dilay Galkacyo iyo baqdin laga qabo in uu ka qarxo Dagaal Beeleed halkaasi..
| Tuesday February 19, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolika Mudug ayaa sheegaya in habeenimadii
Xalay Dil loogu geystay Xaafadda Garsoora Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Sadax
Ruux oo rayid ah, kuwaasoo ahaa wiilal
dhalainyaro ah.
Sadaxdaani Ruux ee Dilka loo geystay ayaa la
sheegay in dilka ka hor la Doonayay in la kaxeysto, balse ay iska diideen ayna
sameeyeen dagaal gacameed sababay in Risaas lagu furo.
Dadka
ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay Dilka Xalay ay ka danbeeyeen
Meel Beel ka mid ah Beelaha daga Dhanka ay ka Arimiso Maamul Goboleedka
Galmudug, waxeyna dadkaasi sheegeen in Sadaxdaani ruux loo dilay Colaad beeleed
horay uga dhaxeeyay Beelahaani kala daga Deegaanada ay ka Arimiyaan maamulada
Galmudug iyo Puntland.
Ma
jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul eek u aadan dhimashada
Sadaxdaani ruux ee dilka loo geystay, inkastoo ay Ciidamadda Puntland markii
dilka dhacay ay Howlgal ka sameeyeen isla xalay magaalada galkacyo, Dadna ay u
soo qab aqabteen in ay ka danbeeyeen Dilka sadaxdaani Ruux loo geystay
Mohamed Ali Madka
madkacali@hotmail.com
buurhakaba.com,
Muqdisho

NO COMMENTS