Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xabsiyada ku jiraan maxaabiis ka badan tirada loogu tala galay.
| Sunday February 17, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay
Ra’isal
Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo warbaahinta
lahadlay ayaa sheegay in ay xabsiyada magaalada muqdisho ay ku jiraan tiro aad
ugu badan baxbuusyadii loogu tala galay.
Ra’iisul
wasaare Saacid ayaa sheegay in xabsiga dhexe loogu tala galay 1000 maxbuus ayna
hadda ku jiraan in ka badan 1500 oo baxaabiis, iyadoo uu taas u sababeeyay in
ay keentay dowladda oo aan diyaarin dhismaha xabsi kale.
“waxaan
ka warhaynaa in ay Xabsiyada dalka ay ku jiraan diro ka badan maxaabiistii
loogu tala galay, hadii aan aan mathaal ahaan u soo qaato xabsiga dhexe waxaa
loogu tala galay ilaa 1000, maxbuus waxaana ku jira tiro kor u dhaaftay 1500 oo
maxbuus, dowladuna ma diyaarin Xabsi kale, danbiilihiina lama sii deen karo”
ayuu yiri Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Hadalka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya Xilli ay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho
ka Buuxaan baxaabiis aad u fara badan oo galay danbiyo kala Duwan, iyadoo sidoo
kalena ay aad ugu dhibinyihiin shacabka soo booqonaya maxaabiistaasi Ciriiri
awgiis xilliga Booqashada

NO COMMENTS