Saraakiisha Jubooyinka iyo Gedo sheegay in ay qorsheynayaan Dagaal ay ku qaadayaan Al-Shabaab.
| Sunday February 17, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay Qorsheenayaan weeraro hor leh oo ay ku qaadayaan ciidamadda
Saraakiisha Ciidanka Dowladda
Soomaaliya ayaa sheegay in ay Qorsheenayaan weeraro hor leh oo ay ku qaadayaan
ciidamadda Xarakada Al-shabaab eek u sugan deegaanada kaga harsanyihiin
Gobolada Jubooyinka iyo Gado.
Maxamed Qalinle oo ka mid ah
saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo la hadlayay
warbaahinta ayaa sheegay in ay Ciidamada Xarakada Alshabaab ku qaadayaan
weeraro ay ku doonayaan Dhul balaarsi.
Sidoo kale sarkaalkani ayaa sheegay in
ay Al-shabaab Faarujiyeen Deegaano ka mid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo
aysan haatana ku sugneyn Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Tilmaamay in ay Dhawaan
gudaha u gali doonaan deeganadaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in ay dagaal
ugala wareegi doonaan deegaanada kal oo ay ku suganyihiin.
Hadalka Saraakiishaani ayaa ku soo
aadaya xilli shalay uu dagaal ku dhexmaray Ciidamadda Dowladda oo garabsanaya
kuwa Kenya iyo Ciidannka Al-shabaab oo garab ah Deegaanka Buulo gaduud oo 30-KM
u jira magaalada Kismaaye ee Xarunta Gobolka J.Hoose halkaasi oo ay gacanta ku
dhigeen dowladda Soomaaliya kadibna dib uga soo bexeen

NO COMMENTS