Muwaadin soomaaliyeed oo dil loogu geystay Dalka South Africa.
| Friday February 22, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in lagu dilay ruux
Wararka naga soo gaaraya dalka South
Africa ayaa sheegaya in lagu dilay ruux muwaadin soomaaliyeed ah, iyadoo
Ruuxaani la dilay uu ka mid ahaa ganacasadada soomaaliyeed eek u nool magaalada
Johannesburg ee dalka South Africa.
Dilka loo geestay ninkani oo lagu
magacaabo C/kariin Fanax ayaa ka danbeysay ka dib markii uu muran soo kala
dhexgalay nin ka mid ah kalyantiga dukaanka C/kariin Fanax uu iibinayay, iyadoo
ka dibna uu si xooli ah ugu soo tuuray dhagax C/kariin uu ka haleelay madaxa,
gaar ahaan Maskaxda.
Isla markiiba Alle ha u
naxariistee marxuum C/kariin Fanax ayaa dhawaaciisa loo qaaday Cisbitaalka,
iyadoo uu Saake ku nafwaayay isla cisbitaalkaa.
Dalka South Africa ayaa ka mid ah wadamada ay siida aadka ah ugu dhibanyihiin qaxootiga soomaaliyeed ee u kala yaacay dunida, iyadoo dilalka loogu geysanayo South Africa ay ka weyntahay dhibaatada ku heysata ku noolaansheheeda.
Mohamed Ali Madka

NO COMMENTS