Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Booqday Xarunta Tababarka Ciidammada Ethiopia.
| Friday February 15, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay
ku suganyihiin magaalada Addis Ababa ayaa saakay booqday xarunta tababarka
Ciidammada Qalabka Sida ee dalkan Ethiopia.
Gudoomiyaha booqashiida waxaa ku wehliyey Gudoomiye Ku xigeenka Labaad
ee golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada
Baarlamaanka oo safarkiisa ku wehliya.
Markii uu xaruntaasi tagay waxa uu la kulmay saraakiisha iyo macaliinta
ku sugan oo iyagu u sharaxay sida tababarradaasi loo bixiyo waxaana goobta
sidoo kale loogu soo bandhigay Gudoomiyaha sida tababarka loo qaato iyo hubka
noocyadiisa kala duwan.
Dhinaca kale Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doona Ra’isulwasaaraha Dalka Ethiopia oo ay kawada hadli doonaan arimmo dhowr ah.











Mohamed Ali Mamow
Buurhakaba Media

NO COMMENTS