DAAWO SAWIRADA: Soo dhaweyn qurux badan oo Adis Ababa loogu sameeyay Wafdigii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
| Thursday February 14, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pr. Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa saaka gaaray magaalada Adis
Ababa, waxaana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka
dalka Itoobiya.
Markii garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey kadib wafdiga
Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa lagusoo galbiyey isaga iyo wafdigiisa kolonyo
gaadiid ah oo mootooyin ay horkacayeen ayadoo ugu dambeynna loosoo galbiyey
hotelka Hilton oo wafdiga Gudoomiyaha ay deganyihiin.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaadan doona
qaar ka mid ah xildhibaanada dalkaasi oo uu hogaaminayo afayeenka Baarlamaanka
Itoobiya.
Waa socdaalki ugu horeeyay ee uu dalka kaga ambabaxo Gudoomiyaha
Baarlamaanka tan iyo marki la soo doortay Bishii August ee sanadki tagay.








Mohamed Ali Mamow
Warbaahinta: Buurhakaba Media

NO COMMENTS