Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo Markii ugu Horeysay u Ambabaxay Dibada
| Wednesday February 13, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goordhow u safray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi.
Gudoomiye Prof. Jawaari oo ay wehliyaan
guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka ayaa magaalada Addis ababa kulan kula
qaadan doono dhiggiisa dalkaasi oo casuumaad u soo diray, guddoomiyaha
Baarlamaanka.
Prof. Madaxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo
warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu yahay mid ku saleysan kulamo ay la qaadan
donaan madaxda baarlamaanka dalka Ethiopia.
Waxa uuna intaasi ku daray in ay ka wada hadli
donaan sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen baarlamaanada Soomaaliya
iyo Ethiopia iyo arrimo kale oo quseeyo labada wadan. Waxaana gudoomiyaha garoonka ka sogootiyay madax
ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ku jireen Xildhibaano.
Warbahinta Buurhakaba.com.

NO COMMENTS