Baarlamaanka oo yeeshay xoghaye & qorshe howleedka 2013 oo la..
| Wednesday February 13, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Gudiyada joogtada ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta
Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxay ku ansixiyeen qorshe howleedka
Baarlamaanka sanadkan 2013, iyadoo sidoo kale sidoo kale guddigaasi ayaa
ansixiyay magacaabida xoghayaha guud ee Baarlamaanka oo noqonaya Dr. C/kariin
Xaaji Cabdi Buux.
Gudoomiyaha Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo shir
guddoominayay kulanka gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka jadwalka xil
gudashada Baarlamaanka ee sanadkan 2013 sida howlaha uu Baarlamaanku qaban
lahaa maalin walba amaba bil walba ayadoo dood kadibna ay gudiyada joogtadu
ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013.
Ajandaha Labaad ee ay ka hadleen gudiyada joogtada ee Baarlamaanka
ayaa ahaa magacaabidda Xogaha Guud ee Golaha Shacabka waxaana ay gudiyada
joogtadu ansixiyeen in C/kariin Xaaji Cabdi Buux uu noqdo xoghayaha guud ee
Golaha Shacabka.
Sidoo kale gudiyada joogtada
ee Baarlamaanka waxay ka hadleen fulinta Istiraatiijiyada Afarta sano ee
Baarlamaanka laga doonayo iyo fulinta xeer hoosaadka Baarlamaanka kaasi oo ay
horey Xildhibaannada Baarlamaanka u ansixiyeen waxaana ay gudiyada joogtadu dhinacyo
kala duwan ka eegeen in sida ay tahay ee loo ansixiyey loo hirgelin doono haduu
Alle idmo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa aad u ammaanay Horumarka Xildhibaannada ku maqan gobollada Dalka ay sameeynayaan waxaana uu gudoomiyaha ku guubaabiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka iney sii xoojiyaan howlaha ay shacabka u hayaan.

Mohamed Ali Mamow
Warbahinta Buurhakaba.com.

NO COMMENTS