Ninkii Cilmiga Siyaasada Bartay.....(Qiso Aad U xiiso Badan )

  Monday February 04, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ninkii Cilmiga Siyaasada Bartay.....(Qiso Aad U xiiso Badan ) .

Waxa la yiri beri baa laba nin oo isku reer ahi socdaaleen. Waxay ku socdeen meel cilmiga lagu soo barto Ayagoo doonaya inay cilmiga diinta bartaan. Waxay socdaanba waxay ku soo baxeen degmo boqor Jaahil Ah xukumo. Degmedii bay u hoydeen, subaxdiina way amba baxeen. Waxay sii socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray bay gaareen. Markaasay tacliintii galeen.

Cilmigii diinta markii ay dhameeyeen ayaa labadii nin midi yiri "Waar cilmigii dhamaynaye aynu degmadeenii ku noqono". Markaasuu kii kale dhahay: "Waar anigu ilaa aan cilmiga siyaasadda barto tegi maayo". Markaasuu iskaga tegay oo degmadoodii ku noqday.

Ninkii sii socodkii buu sii maray beeshii boqorka Jaahilka ahi xukumi jiray. Salaadii Jimcaha oo boqorkii tukinayo ayuu la tukaday. Markii salaadii laga baxay ayuu boqorkii qudbad labaad jeediyay. Ileen waa Jaahile Quraankii iyo Xaadiistii ayuu isku qasay.

Ninkii cilmiga diinta soo bartay baa is hayn kari waayay oo intuu kacay oo boqorkii ka Ag Hadlay. Wax alaale wixii uu boqorku ku hadlay buu Wax Aan Waxba Ka Jirin Ku Sheegay. Boqorkiina askar buu ku beegay. Markaasaa ninkii inta Musaajidkii laga dhex qabtay la xiray Oo Wixii Laga Abood Badan yahay Lagu sameyn Lahaa Lagu Sameeyay.Oo Waxaa Loo Sii Dheereeyay In God madow lagu Xiro.

Laba sanadood ka dib baa ina adeerkii oo cilmigii siyaasada soo bartay beeshii boqrka Jaahilka soo dhex maray, Isagu ma oga in ina adeerkii la xiray.

Siddii ninkii ka horeeyay buu salaadii Jimcaha la tukaday. Markii Salaaddii laga baxay ayuu boqorkii wixiisii ku hadlay. Markuu dhameeyay ayuu ninkii cilmiga siyaasada soo bartay gacanta taagay. Markaasuu boqorkii u ogolaaday inuu hadlo.

Ninkiibaa wuxuu yiri; "Maxaa boqorkiina xigmad loo dhiibay". Markaasuu qudbadii boqorka amaanay oo qurxiyay. Wuxuu amaanaba wuxuu yiri: "Aduunyada waxa ugu nasiib badan ninka boqorkaa afar Jimce la tukada, waxa'se ka sii nasiib badan ninka tin madixiisa ka goosta!"

Markaasaa dadkii intay boqorkii madaxa lagaga booday oo timihii oo la rafay. Ileen waa Musaajid dhane markuu dusha looga baxay baa boqorkii naftii ka booday.

Beeshii baa ninkii cilmiga siyaasadda soo bartay boqortay. Markaa suu ina adeerkii oo raamaystay godkii ka soo saaray.

Cilmi kastoo la bartaa maalin buu ku anfacaa.

W/Q:Mohamed Aadan Abdiladhiif

Mo_Aadan@hotmail.com

Alkhartoum_SUdanul Xabiib


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS