Xeer Ilaalinta Qaranka Oo Bilowday In ay Isticmaasho Telefoonka Gaarka ah Ee Weriye C/Casiis Koronto.

  Sunday February 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Iyadoo mudo ka badan 20 Maalin Uu Xabsi Ku jiro Weriye C/Casiis C/nuur Ibraahim Koronto Oo kamida ahaa shaqaalaha Idaacad Dalsan Ee Magaalada Muqdisho Islamarkaana Maalintii shalay ay Markale baaqatay Maxkamadeyntiisa ayaa Xeer Ilaalinta Qaran

Iyadoo mudo ka badan 20 Maalin Uu Xabsi Ku jiro Weriye C/Casiis C/nuur Ibraahim Koronto Oo kamida ahaa shaqaalaha Idaacad Dalsan Ee Magaalada Muqdisho Islamarkaana Maalintii shalay ay Markale baaqatay Maxkamadeyntiisa ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka Xiligaan waxa ay Bilabeen wax yaabo Xad gudub kale U muuqan kara ay U geysanayaan Weriyaha xiran.

Mobilka Gacanta Ee Weriye C/casiis Oo ay gacanta ku hayaan xeer Ilaalinta ayaa haatan waxa ay bilabeen In ayisticmalaan Telefonkiisa Iyaga Oo wacaaya Nambaro ay wataan Eheladiisa kuwaasi Oo ay weydiinayaan Su’aalo Ayka mid yihiin:- C/casiis waxa Uu yahay, Waxa ay ku yaqanaan Iyo kuwo kale Nambarada qarkood ayaa la wacay Xili ah sida ay Inoo shegeen Ilo lagu kalsoon yahay.

Maamulka Idacaada ayaa Arintaasi waxa ay ku tilmaameen kuwo xad gudub ah islamarkaan u muuqda In ay jabiyeen sharciga, Agaasimaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geesey ayaa Arintaasi ku tilmaamay Mid lagu doonayo In C/casiis Wax Uun Dabi ah Dusha loo saaro madaaba buu yiri ay faragashadeen Arimahiisa gaarka ah.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS