AFHAYEENKA AMISOM OO GUULO KA SHEEGTAY DAGAAL KA DHACAY BELADWEYNE

  Sunday February 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
AFHAYEENKA AMISOM OO GUULO KA SHEEGTAY DAGAAL KA DHACAY BELADWEYNE .Iyadoo Ururka Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Afhayeenka ciidanka AMISOM.


Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ay guulo ka gaareen dhankooda.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen dagaalyahano gaaraya 20 oo ay masuuliyiin ku jiraan sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka AMISOM.

Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhankooda uu hal askari kaga geeriyooday dagaalkaasi islamarkaana uusan jirin khasaaro kala oo soo gaaray ciidamada Jabuuti.

Xumad ayaa ku celiyay baaqa ah in Shabaab dhalinyarada ku jira ay ka tanaasulaan falkaasi islamarkaana ay kusoo biiraan dhanka Dowladda Soomaaliya AMISOM ay soo dhaweynayso.

Marka laga soo tago guulaha labadaan dhinac ay ka sheeganayaan dagaalkii ka dhacay Beladweyne ayaan waxaan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaasi.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS