Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Qurbajoogta Soomaalida inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka

  Sunday February 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Qurbajoogta Soomaalida inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka .Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyed ee UK, kadib xaflad xalay ka dhacday magaalada London ayaa ugu baaqay qurba joogta inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marxalado kala duwan la soo maray, isagoo soo qaatay dowladihii loo soo dhisay Soomaaliya, ee dalalka deriska lagu soo unkay, waxaana uu xusay in sanadkii 2010 juhdi badan la geliyay barnaamijkii Road Map-ka ee horseeday in sanadkii 2012 dowlad rasmi lagu dhiso dalka gudihiisa.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Soomaalida inay dalkooda maalgashi ku sameystaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska, waxaana uu ka dalbaday Soomaalida ku dhaqan Ingiriiska inay dhowraan qawaaniinta iyo hab maamulka dowladda ay martida u yihiin, si ay ixtiraam iyo mudnaan uga helaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in 20-kii sano ee bur burka ay Soomaaliya u yeertay magacyo kala duwan, sida burcad badeedka, argagixisada, musuq maasuqa iyo inay ku jiraan xerada qaxootiga aduunka ugu weyn.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay jirto fursad iyo ifafaalo, waxaana uu cadeeyay in isaga, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha aanay wax khilaaf ah u dhaxeyn, isla markaana ay u adeegayaan danta shacabka.

Mar uu soo hadal qaaday aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaalida oo dhan ay ahmiyad u leedahay, balse aanay cid gaar ah dhibaato ku aheyn, waxaana uu sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid dhamaantood faa'ido u wada ah.

Waxaa uu ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan Britain inay ka soo baxaan doorkooda, waxaana uu sheegay in dalka uu doonayo damiir dhaq dhaqaaqaya oo wadaninimo huwan, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mudada dheer ragaadisay.

Munaasabada xalay ka dhacday London oo ay ka qeyb galaan Kumanaan Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa aheyd mid aad loo soo qaban qaabiyay, iyadoo dadkii tirada badnaa ay lulayeen calanka.
Ammaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamada gaar ah ay dadka ku baarayaan albaabka laga soo galo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri oo isniin ah la filayaa inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron, oo casuumaad rasmi ah u fidiyay, si ay uga wada hadlaan diyaarinta shirka May ee London lagu qabanayo.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS