Madaxweynaha Somaliya oo kulamo Xasaasi ah ku qaadanaya London.
| Saturday February 02, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Xasan sh. Maxamuud ayaa kulamo dhowr ah ku qaadanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Xasan sh. Maxamuud ayaa
kulamo dhowr ah ku qaadanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Mudane
Xasan sh. Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Somaliya ayaa casuumaad
rasmi ah ka helay dowlada ingiriiska si dowlada ingiriiska uu madaxweynaha uga
waramo xaalada dalka somaliya.
Waxaa
si aad ah ugu soo dhaweyay magaalada london Madaxweynaha iyo wafdigiisa
jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska iyo xubno hore ugu sii sugnaa
magaalada london kuwaasi oo wafdiga go gol xaar ahaa.
Wafdiga
Madaxweynaha uu horkacayo ayaa waxaa kamid ah Ra'isul wazaare Ku xigeenka ahna
wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf
Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/qaadir, la taliyayaasha
Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaaliya
Madaxweyne
Xasan Sh. Ayaa lagu wadaa inuu kulamo kula qaato halkaasi madaxda Dalka
Ingiriiska iyo shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi isaga oo xaalada dalka
uga warbixin doono.
Safarka
Wafdiga uu Madaxweynaha Hogaaminayo ayaa qeyb ka ah safaro uu madaxweynaha ku
marayay wadamada yurub waxa uuna hore u soo maray dalka Biljimka oo ah xarinta
Midowga yurub madax sar sarane uu halkaasi kula soo kulmay
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Tel: 00252615573762
00252615543833
00252699964128
E-mail: madkacali@hotmail.com
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter: www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS