Maxkamadeynta Wariye C/casiis oo Mar labaad dib u loo dhigay.
| Saturday February 02, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Xili
manta lagu balansanaa in maxkamada G/Banadir ay qaado dacwada loo heysto wariye
C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) iyo afar qof oo ay ku jirto haweeney
sheegtay in la kufsaday ayaa waxaa mar labaad dib loo dhigay Maxkamadii.
Saakay
Barqadii ayuu ku balansanaa wariye Koronto iyo afartii qof ee la edeesnaa in
Maxkamadeyntiisa ay Bilaabato kana Bilaabato Xarunta Maxkamada G/Banadir
waxaana markii goobta maxkamad la yimin dacwad oogaha waxa uu sheegay in
c/casiis uu faafiyay war been abuur ah.
Xeer
ilaaliyaha ayaa sheegay in dib loo dhigay maxkamada ilaa 5-bisha kadib markii
la waayay marqaatiyaal ku filan dacwada.
Q.M
iyo dhamaan hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa tilmaamay in maxkamadeyntan ay
tahay mid aan ku soco wado sax ah ayna u soo jeediyeen in maxkamada laga saaro
qaladaadka ay ku socoto.
Dib
u dhigida dawada loo heysto shantan qof ee uu ku jiro wariye Koronto iyo
haweeneydii sheegtay in la kufsaday, seygeed iyo sadexda ruux oo iyagana lagu
eedeeyay iney wax ka abaabuleen kiis ayaa ah markii labaad oo dib loo dhigo.
Wali
Waxa uu Wariye C/casiis C/nuur La’yahay Maxkamad Cadaalad ah oo sharciga
islaamka waafaqsan waxaana loo celiyay xabsiga dhexe isagoo gar soor cadaalad
ah aan helin.
Madaxda
dowlada ugu sareysana ay dusha kala socdaa xaalka sida uu yahay iyo meesha uu u
socda iyagoo u muuqdo kuwo la dhacsan sida ay wax u socdaan oo ay afka baalkiis
oo kaliya saxaafad ka sheegaan in maxkamada ay cadaalad noqoto.
Dhamaan
saxafiyiinta soomaaliyeed iyo meesh caalamka ayaa ku jaha wareersan sida
dowladan cusub ay u maareyn la dahay kiiskan been aburka loogu xiray wariyaha
xili laga filaayay iney noqoto dowlad cadaalad ah oo isbadal ka duwan kuwii
hore la timaado.
Waa
dacwadii ugu horeysay oo nuucaan oo kale ah taasi oo ay qaado maxkamada
G/banaadir

NO COMMENTS