Suldaan si weyn looga yaqaan G/ Bari oo Boosaaso lagu dilay.
| Saturday February 02, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso,
xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay suldaan kamid ahaa
salaadiinta ugu caansan Puntland.
Suldaan ka la dilay ayaa lagu
magacaabi jiray Muuse waxa uuna ka mid ahaa odayaasha sida aad ah loo qadarin
jiray.
Kooxaha dilka geystay ayaa durba ka
baxsaday goobta, Ciidamada amaanka magaalada boosaaso oo baaritaano sameeyay
ayeyna u soorta galin iney soo qabtaan kooxihii dilay suldaanka.
Maamulka Puntland wali kama
hadlin dilka suldaan iyagoo ay dadka deegaanka si aad ah uga nexeen qaabka uu
falka u dhacay.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo ay kooxo hubeysan dil ka geystaan gudaha magaalada boosaaso waxaana hore loogu dilay saraakiil, odayaan iyo salaadiin
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Tel: 00252615573762
00252615543833
00252699964128
E-mail: madkacali@hotmail.com
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter: www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS