Gudomiyihii Sh/hoose oo shaqo joojin lagu sameeyay.
| Thursday January 31, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Gudoomiyihii Shabeelaha hoose ee dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kadib markii wafdi ka socdo xukuumada ay manta booqdeen gobolka.
Gudoomiyihii
Shabeelaha hoose ee dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa shaqo joojin lagu
sameeyay, kadib markii wafdi ka socdo xukuumada ay manta booqdeen gobolka.
Ra’iisal
wasaaraha oo Hadley goor dhoweyd ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay
gudoomiyaha ay timid, kadib markii dadka ku dhaqan gobolkaasi ay weydiisteen
wafdigiisii in loo madax baneeyo in ay ayaga doortaan cida hogaamineysa.
Warar
hoose ayaa sheegaya in arrinta ku saabsan xil ka qaadista gudoomiyaha ay timid,
kadib markii odayaasha dhaqanka iyo dhinacyo kale ay ka codsadeen xukuumada in
isbedel lagu sameeyo maamulka Shabeelaha hoose.
Si
kastaba gudoomiyaha gobolkaasi oo aan isku daynay in aan la xiriirno ayaaney
noo suuro gelin, taleefanadiisa oo dansanaa dartood.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Tel: 00252615573762
00252615543833
00252699964128
E-mail: madkacali@hotmail.com
Facebook: www.facebook.com/mmadka1
Twitter: www.twitter.com/madkacali

NO COMMENTS