Al shabaab oo ku hanjabay iney qaraxyo ka geysan donaan xarumaha dowlada.
Views: 171
| Wednesday January 30, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Xarakada Al shabaab ee ka dagaalanya dalka somaliya ayaa sheegatay qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu geystay ruux naftii huraha ahaa ee ka dhacay xarunta madaxtooyada somaliya.
Xarakada
Al shabaab ee ka dagaalanya dalka somaliya ayaa sheegatay qarixii
ismiidaaminta ahaa ee uu geystay ruux naftii huraha ahaa ee ka dhacay
xarunta madaxtooyada somaliya.
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay iney qorsheynayaaan qaraxyo waaweyn oo ay ka geystaan xarumaha dowlada somaliya.
“Weerarkii shalay waxa uu ahaa Camaliya aan ka soo shaqeynay waxaana ku guuleysanay howlgalka, Xarakada Waxa ay si aad ah u qorsheynayaan iney weeraro qaraxyo ah ay ku baacsadaan xarumaha dowlada” ayuu yiri Afhayeenka.
Al shabaab ayaa hore u sheegtay weeraro ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada muqdisho iyo gobolada dalka.
Waxa uu hadalkan ku soo aadayaa xili uu sheegay waziirka warfaafinta somaliya C/laahi Ciilmooge in ay shabaab qorsheynayaan qaraxyo ay muqdisho ka geystaan.Mohamed Ali Madka
Muqdisho-SOmalia
E-mail: madkacali@hotmail.com

NO COMMENTS