Maxay tahay sababta loodiidey AF-MAAY in laga siidaayo Somali national TV iyo radiyaha qaranka qeybtii 1aad
Views: 589
| Tuesday January 29, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Umad waliba oo meel degan waxay leedahay micyaar lagu garto
jiritaankeeda caadaadkeeda hadii la waayana umadaas waa umad baab'adey
ama dabar go'dey si loo ilaaliyo intaasoo dhan waxaa waajib ah in la
ilaaliyo luuqada umadaas ku hadasho caadaadkeeda iyo waxkasta oo ka
turjumaaya jiritaankeeda iyadoo la adeegsanaayo qaabab kala duwan sida
warbaahinta noocyadeeda kala duwan haday ahaan lahayd raadiyaha'Tvga
'webka' joornaalada 'fanka iyo suugaanta IWM
Gobolka geeska Africa waxaa degan qoomiyado ku kala duwan dhanka
diimaha luuqadaha dhaqanka iyagoo uu ka dhaxeeyo oo keliya wadanka ay
wada deganyihiin Somalia waxay kamid tahay wadamada geesaka Africa ku
yaala waxayna leedahay laba luuqadood oo rasmi ah sida ku xusan
dastuurka rasmiga ah ee Somalia hada loo sameeyey iyo weliba kuwii ka
horeeyey ee kumeel gaarka ahaa
Inkastoo qodobka luuqadaha uu ku xusanyahay dastuurka somalia
hadana waxaad moodaa in aan lagu dhaqmin qodobkaas waana sababta igu
kaliftey inaan u doorto mowduucaan si looga ifiyo umada qaladaadka jira
taas oo aan aaminsanahay inay keeni karto xalka rasmiga ah
Somalia lagasoo bilaabo sanadii 2000 waxay lahayd dowlado kumeel
gaar ah wallow ay u badnaayeen kuwo fadhiid ah oo aan awoodin in ay wada
xukumaan wadanka guud ahaan waxayna lahaayeen dastuuro kumeel gaar ah
oo dhamaantood ku xusnaa qodobka luuqadaha rasmiga ah hadana dhamaantood
uma suura galin inay dhaqan geliyaan qodobkaas
Dowladii kumeel gaarka ahayd ee kahoreysey dowladaan hada jirta ee
uu madaxweynaha ka ahaa shariif sheikh axmed waxaa u suura gashey inay
dib usoo noolayso idaacadii qaranka ee radio muqdisho iyo weliba TVga
qaranka ee Somali national TV hadana waxaad moodaa in raadiyihii iyo
TVgii qaranka laga sii daayo oo keliya hal luuqad oo keliya oo ah tana
loo yaqaano 'maxaatiri" oo luuqadii maayga meesha lagaa saarey ama loo
diidey in lagasii daayo raadiyaha iyo TVga hadaba sua aasha isweydiinta
mudan waxay tahay
Ma cilad dadka u dhashey luuqada maayga udhasheyaa ama waxaa jirta sababo kale?
Maxay tahay sababta looga sii deyn waayey luuqada maayga raadiyaha iyo TVga ?
Ama waxaanba jirin wariyaal ku hadla luuqada maayga ?
Mala dhihi karaa radio muqdisho iyo TVga qaranka waa warbaahin
qaran maadaama dastuurkii la khilaafey oo aan laga sii deyn mid kamid ah
luuqadahii uu dastuurka qeexey ?
Hadaba maxaa xal ? su aalahaan kor kusoo xusey badankood waxaan ka
rabaa jawaabahood inay akhristaasha is weydiyaan si ay u ogaadaan
xaqiiqda jirta
Lasoco qeybta 2aad ee qormadan
Qalinkii –abdullahi nur Mohamed
Fadlan wixii dheraad ah noogu sodir
Email-wasiila10@hotmail.com

NO COMMENTS