.Xalay Xilli Aan Fekerayay...Ila Wadaaga Maqaal Yar Oo Gaaban
Views: 330
| Sunday January 27, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Xalay xili Aan Fekeraayay:Aqristayasheena Sharafta Mudanow Waxaan Jeclaysanay in Aynu Nala Wadaagtaan Maqaalkan Oo Aynu Aamin Sanahay In Muhiim yahay.
Soomaalida oo aan qof ka dhigay baan cusbitaal geeyay. Dhakhtarkii baan ku dhahay:
Dhakhtar bukaankan cudurkiisa waa la garan la'yahay. Dhakhtarkii xubnihii jirka ayuu baaray, si keli keli ah iyo si wadareedba wuu u waraystay. Baaritaan badan iyo waraysi dheer dabadeed, dhakhtarkii wuxuu warqad yar iigu soo qoray "Bukaankan cudurkiisa maskaxdaa asal u ah" Aniga oo garan la' waxa uu ula jeedo ayaan dib ugu celiyay waydiimo. Waxaa na dhex martay sheekadan hoose:
Aniga: Dhakhtar maskaxda maxaa helay?
Dr: Maskaxdu way abaaraysatay.
Aniga: Dhakhtar oo maskaxdu miyeey abaarowdaa?
Dr: Haa! Miyaadan maqal Abwaankii yiri "Aheey ah maskaxdaa laga abaaroobay"? Maskaxdu waa warshadda soo saarta afkaarta nolosha Aadanaha hagta, hadday abaarowdo si wacan uma fekerto, marka la oon tiro ayeey fekertaa oo soo saartaa miro la wada mahadiyo.
Aniga: Dhakhtar maxaa lagu oon tiraa?
Dr: Aqoon baa lagu oon tiraa.
Waa Fikradii:Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbaahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS