Ciyaaro Xiiso Badan Oo Dhacaya Maanta Nigeria v Burikina Faso Isku Dhegan, Zambia Iyo Ethiopia Oo Balansan.

  Monday January 21, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciyaaro Xiiso Badan Oo Dhacaya Maanta Nigeria v Burikina Faso Isku Dhegan, Zambia Iyo Ethiopia Oo Balansan. .

Ciyaaryahanka xulka Nigeria Victor Moses ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay ee Africa Cup of Nations kulanka ay caaawa la ciyaarayaan Burkina Faso.


22 jirkaan ayaa la filayaa inuu ka garab ciyaaro ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin John Obi Mikel, iyadoo Super Eagles ay indhaha ku hayaan koobkoodii seddexaad ee Qaramada Afrika.


Kabtanka Joseph Yobo ayaa ku dhow inuu barbareeyo rikoorka Nwankwo Kanu oo lix koob oo qaramada Afrika Nigeria u ciyaaray.


Burkina Faso ayaa iyagana 17 kulan oo koobka Qaramada Afrika aan wax guul ah gaarin.


Laakiin ciyaartaan ayaa waxaa ka soo horeysay kulan dhexmari doona xulka difaacanaya koobkaan ee Zambia iyo xulka Ethiopia taasoo dhici doonta 7:00 p.m SGA.


Zambia ayaa koobka qaramada Afrika ku guuleystay sannadkii hore oo ay ka qaadeen xulka Ivory Coast halka Ethiopia ay iyadana hore u soo qaaday Koobka Qaramada Afrika balse haatan ay ka qeybgalayaan markii ugu horeysay muddo 30 sanadood ah.


Ciyaarta Nigeria iyo Burkino Faso ayaa iyadana waxa ay dhici doontaa 10:00 p.m SGA.

Kulamada Maanta Group C:

Nigeria v Burkina Faso

Zambia v Ethiopia

Waxaa Qorey|: Captain Sheeyruu

Warbahinta Buurhakaba.com


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS