Musuqmaasuqa iyo laaluushka{Maqaal} – By Mohamed Aadan Abdiladhiif

  Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Musuqmaasuqa iyo laaluushka{Maqaal} – By Mohamed Aadan Abdiladhiif .

Hadii laaluushku ku faafo umad dhexdeeda waxa shaki la’aan ah inay fasahadayso dhaman nolosha umadaas. Caaqibadeedana u noqonayo burbur iyo baaba’. Taasina wa sababta ay u xaraantinimaysay diinta islaamku laaluushka noockasta oo uu yahay. Qiilna loogu waayay cidi ka qayb qaadato musuqmaasuq iyo wax is daba maris.

Diinta islaamka iyo masuqmaasuqa

Islaamku wuxuu meel adag ka istagay laaluusha. Waxay ka mid tahay danbiyada waa weyn ee lagu halagsamo, Dadka caadada ka dhigtana waxa loo balan qaaday halag aduun iyo hoog aakhiro.Waxa laga xarimay laaluushka dhaman nocyada kala duwan ee bulshada, madaxdeeda iyo shacabkeedana. Mana jirto cid loo baneeyay inay lalush qadato daruuf kasta iyo dan walba oo haysaba.

Alle waxa uu qur’aanka kariimka ah ku yiri.

قال تعالى : ” ولا تأكلوا أموالكم بينكم بالباطل وتدلوا بهاإلى الحاكم لتأكلوا فريقا من أموا

ل الناس بالإثم وأنتم تعلمون

Maalkiina ha ku cunina dhexdina si xaqdarra ah, ha u dhiibina maalkina(adinkoo laalushayo) dadka madaxda ah ama qaaliyasha si aadu cuntan qayb ka mid ah dadka kale xoolahooda adinkoo og.

Rasuulku wuxu nacladay laaluush qaataha, kan bixiyo iyo kan u kala dilaalo. Rasuulku waxa uu yiri:

لعن الله الراشي و المرتشي و الرائش بينهما

Allaha naxaristiisa ka fogeeyo laalush qaataha, kan bixiyo iyo kan kala dilaalo.

Si loola dagalamo lalushaka meel u so marana lo waayo diintu waxay diiday, in hadiyad la siiyo dadka u shaqaynayo umada. Nabiga scw aya nin u diray inuu zako so aruuriyo, marku keenay xoolihi uu so helay ayuu yiri intan wa zakadii aan so helay intana anaa si gaar ah la iigu hadiyadeyay oo dadka uma dhaxayso. Rasuulka scw wa istagay asagoo caraysan waxa uuna yiri:

“qofban shaqo u diri ah shaqooyinki Eebe I dhiibay, markusu dhihi intan ayan so helay intana ana hadiyad ahan la ii siiyay. Guriga hoyadi iyo aabihi muu joogo bal in hadiyad loo keeno. Ilaahban ku dhartaye qofkii xoolo uusan lahayn xaq darro ku qaato, wuxu keeni malinta qiyaamo asagoo xambarsan”

Sidoo kale waxa loo diiday in madaxdu ay qatan hadiyad ay u keenan dadka. Waayo horay aya loo yiri af wax cunay xishoo. Waxa laga yabaa in manta hadiyad loo keeno barina wax la waydiisto, waxana xaqiiq ah inadan simayn in ku xariiryo oo hadiyad ku keeno iyo mid aanba ku aqoon.

Khalifki caadilka ahaa ee Cumar ibnu cadbi caziz ayaa loo keenay hadiyad, asaga oo aad u baahan gurigsana dab laga shidan, Waa diiday inuu qaato hadiyadii, waxa lagu yiri rasuulku scw waa qadan jiray e maxad u didaysaa? Waxa ku jawabay “asaga hadiyad ayay u ahayd lakin aniga laalush ayay igu tahay”

Macaliminta iyo dadka qabto adega dad weynaha aya iyana la ogolayn la hadiyad lagu siiyo shaqooyinkoda waayo taas waxay keeni kartaa cadalad darro uu ku sameeyo shaqadisa. Waxa dhacday in hadiyad u keenay caalimki weynaa sufyaanu Thowri nin uu caruur wax u bari jiray. Sufyaan waa diday inuu qaato hadiyadas waayo wuxu yiri hadiyad maahan ee wa laalush, waxay keeni inan caruurta si siman wax u barin.

Waxay umadaha aduunka isku raacsanyihin mid diin leh iyo midan lahaynba, in laaluushku yahay burburiyaha umada. Caqabadna uu ku yahay cadalada iyo horumarka bulshada.

Somalida iyo laalushka

Inkasto aan nahay u amad islaam ah, ogna inuu laalusha xaram yahay hadana waxad modaa inan helnay qiil noo banaynayo, waayo waa aarin nagu baahday kana mid noqotay nolol maalmeedkeena. madax iyo minjo, culumo iyo caamo way adagtahay in la helo qof aan laalush ku lug yeelan mar un ka mid ah noloshisa. Waa kii gabyaagi soomaliyeed horay u yiri “musuqmasuq somali wa maheredeediye” Mayd kee u danbeyay aya yiri? Jawabtuna waxay noqtay kan la sii wado.

Eedaynta ku aadan madaxda dowlada ee ku saabsanayd lunsasho lacageed aya noogu filan sida ay caadiga noogu yahay musuqmasuqa. Ninki iska dhowra xaqa umada aktena waxa u ka yahay nacas aan waxbo ogayn. Bal waxa lagu sifeya arimo ceeb looga dhigayo, sida miskiin, allahisba alla ah, waa daacad, wa lagu shaqaystaa, ragba ku dul tabcaday iyo kuwa kale oo badan. Intas waxaba ka si daran in shaqooyin loo kala jecelyahay sida ay laalusha ugu kala dhowyihiin. Waxa laga yabaa inu nin yrihado shaqan helay, markana waydiyo meesha mushaarka ma ogiye dhacdhac ma leedahay. Taas oo loola jeedo, laalush makaso galayaa.

Waxan u firsaday wacdiyada iyo mu’tamarada ay culumada soomaliyeed qabtaan nooc walba iyo xaraka kastaba ha ahadene, intaan ogahay wali ma arag muxadaro gar ah oo dadka loga digayo laalushka iyo xumantiisa. Show lagumaba bararugin mise wax ka daran aya nahayo?

Waxa dhici karto in la is waydiiyo dadka aan akhiyarka lahayn ee lagu qasbo inay laalushka bixiyan sida kuwa la iska xirto, ama xoolahooda xooga lagu qaato laguna xiro inay laalush bixiyan xaalkoodu muxu yahay?

Guud ahaan dadka noocas ah diintu way u banaysay inay bixiyan laalush haday xal kale waayan, laakiin kan qaadanayo marnaba uma banana. Sidoo kale waxa dhacdo in badan in howl fududays laaluushka lo bixiyo, tasna lama ogola waa kuwa oogu daran gaar ahan inaga na haysto. Qaarkeen shaqo ayayba ka dhigteen ay biilka ka so saartaan, waxad maqli waa muqalis, dilaal iyo dhiilar, oo loola jeedo wuxu kala dilalala laalushka iyo is daba mariska.

Laalushku wuxu daboola xaqa, wuxu babi’iyaa cadadalada, masakinta xaqooda ayuu cid an mutaysan siiya. Wuxu horseda cadab aakhiro iyo dulli aduun

Gunanadkii, hadaan aragnay xumanta musuqmasuqa iyo dhibka uu noo horseedayo aakhiro iyo aduunba, maxa nala gudboon?

Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS