CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA AMISOM OO HOWLGAL XOGAN KAWADA S/XOOLAHA
Views: 167
| Monday January 14, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ballaaran
xalay ilaa iyo saaka waxa ay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee
Magaalada Muqdisho.Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada howlgalka kuwaasi oo baaraya guryaha iyo sidoo kale goobaha ganacsiga intaba.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qab-qabteen dhalinyaro badan kuwaasi oo qaarkood wajiga inta ay ka xireen gaadiid ay saareen.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee howlgalkaasi horkacaya ilaa iyo iminka majirto faah-faahin dheeri ah oo ay ka bixiyeen kaasi oo la xiriira howlgalka iyo sababta ka dambeysa.
Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa dhowr mar ay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen howgalo lagu soo qab-qabtay dhalinyaro badan oo Shabaab ay la xiriirinayaan.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS