Tarsan Oo Dadka Qurbaha Ka Imaaday Ku Sheegay Dad Dhaqan Xumo Wado

  Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Tarsan Oo  Dadka Qurbaha Ka Imaaday Ku Sheegay Dad Dhaqan Xumo Wado .Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku eedeeyay dadka ka yimid qurbaha inay anshax xumo ka bilaabeen xeebta Liido oo ah meel loo dalxiis tago, halkaasoo laga furay Maqaaxi laga cunteeyo.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad looga hadlayay Nadaafada oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka anshax xumada ka wada xeebta Liido.

"Badeena quruxda badneyd ee jimcaha iyo Sabtida la tago waxaa ka bilaaban rabta anshax xumo, dadka reer Yurub ka yimid ee Mareykanka iyo meelaha kale ka yimid ee isu heysta inay ka dhaqan sareeyaan dadka kale waxaan leenahay dhaqan ma heysiin ee hala idin dhaqan celiyo"ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarsan oo ku eedeeyay Qurba-joogta in ay anshax daro dalka la yimaadeen.

Tarsan ayaa sheegay in aanay marna aqbaleyn dadka qaawan, gaar ahaan haweenka u dabaal taga Xeebta, isagoo ku amray Ciidamada ilaalada xeebaha inay amar u qabaan inay 24-saac ay xirto.

"Ma aqbaleyno gabar barideeda qaawan tahay naasaheedana qaawaan tahay waa la xirayaa, anshaxa ayaa ka soo horjeestiin, wiilasha kuma dhegi karaan, askarta amar ayay qabtaa 24-saac ay xirto"ayuu yiri Tarsan.

Xeebta Liido oo maalmaha jimcaha loo dalxiis tago ayaa waxaa u dabaal taga dadweyne fara badan oo qaarkood qurbaha ka yimid, iyadoo maalmihii u dambeeyay Xeebta ku soo badanayeen gabdho ku dabaasha dhar qafiif ah, oo jirkooda laga dhex arkayo, iyadoo taas tahay mid shareecada Islaamka aanay qabin.

Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS