Muqdisho: Ganacsato laga burburiyay goobihoodii Ganacsi,
| Sunday January 13, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Howlgalkaani oo maanta si wada jir ah kaga sameeyeen qaybo ka mid ah Degmada X/Weyne Ciidamada Dowladda iyo Booliska AMISOM ayaa waxa ay ku bur buriyeen Goobo Ganacsi oo ku yaallay Hareeraha waddooyinka dhexmara Degmadaasi.
Howlgalkaani oo maanta si wada jir ah kaga sameeyeen qaybo
ka mid ah Degmada X/Weyne Ciidamada Dowladda iyo Booliska AMISOM ayaa waxa ay
ku bur buriyeen Goobo Ganacsi oo ku yaallay Hareeraha waddooyinka dhexmara
Degmadaasi.
Qaar Ka Mid ah Ganacsatada laga Bur buriyay Dukaamada ay ku ganacsanayeen oo la
hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay Sheegeen in iyagoo aan lagu wargalin uu
Maamulka Gobolka Banaadir amar ku bixiyay in la Bur buriyay Goobaha
Mehradahooda Ganacsi ay ku heesteen taasina ay tahay wax laga Xumaado
Ganacsatadaan ayaa Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay hanti fara badan kaga
luntay intii ay maanta socotay Howl Galka lagu Bur burinayay Goobaha Ganacsi ee
ku teedsan waddooyinka qaar ee dhex qaada Degmada X/Weyne Gaar ahaan Nawaaxiga
Masjidka Marwaaz iyagoo sidoo kale Cabasho Ka muujiyay qaabka ay ula dhaqmeen
Ciidamada waday Howl galka ku aadan Bur burinta.
Dhinaca kale dadkaan ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay usameyso
dowladda meelo ay ku ganacsadaan Maadaama ay yihiin dad danyar ah noloshooduna
ay ku tiirsantahay Ganacsigaasi yar yar.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta badan lagu eedeeyaa in iyagoo aan cidina
war gelin in ay Bur buriyaan Goobo Ganacsi oo dad danleey ah noloshoodu ku
tiirsantahay.
Mohamed Ali Madka

NO COMMENTS