Madaxweynaha ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka Maraykanka.
| Sunday January 13, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka
Maraykanka.
Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna
Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha
Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan
doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka.
Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa
Dowladda Soomaaliya. Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an
tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.
Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika,
lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo
horumarka.
Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha
wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha
caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira
Soomaaliya.
Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo
horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu
la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
Mohamed Ali Madka
Buurhakaba.com, Muqdisho

NO COMMENTS