Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Hogaamiyeyaasha Dunida ee Sanadkii 2012-ka
| Wednesday January 09, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Sanad Waliba Hoodiyo Hawl Iyo Dhibaatiyo wuxuu Hadimo Leeyahay Waa Laga Helaayoo hadhow Lagu Xasuustaa? Dhacdooyinka kala duwan ee dunida inagu soo mara waxa ay galaan diiwaanka xusuusta, xilliyo dambe ayaanay iyaga oo sannado iyo taariikho ku xiran ka mid noqdaan qisaska la xiiseeyo. Sannadkii 2012-kii ayaa ka mid noqday sannadaha ugu xusuusta badan dhinaca fadeexadaha siyaasiyiinta dunida, qormadeenan maantana waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah fadeexadahaas.
Marwada
koowaad ee dalka Suuriya, Marwo Asma Asad ayaa bulshada caalamka kaga
yaabisay kadib markii ay fashilantay in Tobanaan kun oo doolarka
Maraykanka ah ay ku bixisay kiriimo iyo qalab yaryar oo kuwa dumarku
isku qurxiyaan ah oo ay kaga dhex adeegatay internet ka xilli ay maalin
kasta boqolaal ka mid ah shacabka dalkeeda oo u badan dumar iyo carruur
ay u dhimanayaan madaafiicda iyo rasaasta ay ridayaan xoogagga
milateriga ee odaygeeda ka amar qaataa, xeryaha qaxootiga ee Suuriyaanku
u yaaceenna ubad yaryar gaajo ugu la’anayaan. Dad badan ayaana u arkay
arxan darro iyo bani’aadamnimo xumo aan laga filan karin qof damiirkiisu
nool yahay. Warkan ayaa toddobaadyo haystay bogagga hore ee warbaahinta
dunida.
Fadeexad
la xiriira gogol dhaaf ayaa sannadkii 2012-kii lushay hay’adda
sirdoonka Maraykanka ee CIA, kadib markii hinaase uu fashiliyey xiriir
jacayl oo ka dhexeeyey Taliyihii wakaaladda Sirta Maraykanka ee CIA
Janaraal David Petraeus iyo gabar buug ka samaynaysay taariikh
nololeedkiisa oo lagu magacaabo Paula Broadwell, sirtan oo ay Broadwell
fashilisay kadib markii ay farriimo hanjabaad ah internet ka uga dirtay
gabar ay ka hinaastay oo ay uga shakisnayd in uu damac ka hayo
Janaraalka. Arrintan oo ku soo beegantay isla markii xilka
madaxweynenimo uu markii labaad ku guulaystay madaxweyne Obama ayaa
culays badan oo siyaasi ah ku keentay guriga cad, waxa aanay ku
dhammaatay in uu janaraalku xilka ka dego.
Qaar
ka mid ah wargeysyada waaweyn ee dalka Ingiriiska ayaa sannadkan
faafiyey sawirka Amiir Harry-ga dalka Ingiriiska oo qaawan. Amiir Harry
waa wiilka labaad ee uu dhalay amiir Charles ka leh dhaxalka
boqortooyada dalka Ingiriiska. Amiir Harry oo ah dhaxal sugaha saddexaad
ayaa si qarsoodi ah sawirro looga soo qaaday isaga oo jooga mid ka mid
ah huteellada magaalada Las Vegas. Amiirku waxa uu dhar ka ahaa sidii ay
hooyadii ku dhashay waxa aanu ku dhex jiray koox dumar ah. Faafinta
sawirrada amiirka qaawani waxa ay fadeexad ku noqotay qasriga
boqortooyada Ingiriiska, oo marar badan warbaahinta uga digay in ay
faafiyaan.
Sannadkii
2012-kii waxaa la helay xogo xaqiijinaya in hoggaamiyihii la dilay ee
dalka Libya Mucammar Alqadaafi uu ku ba’naa fara xumaynta hablaha aadka u
da’da yar ee dalkiisa, buug sannadkaa soo baxay ayaa shaaca ka qaaday
dhacdooyin xanuun badan oo xaqiijinaya in Mucammar Alqaddaafi uu dhowr
jeer tegey jaamacadaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli kadibna meel
qarsoon laga tusay hablaha ardayda ah oo hadba midda uu ka xusho si
qasab ah loogu geyn jiray meel gaar ah.Arrintan oo ahayd mid si aad u
heer sarraysa loo soo agaasimi jiray ayaa la sheegay in marka uu
hoggaamiyuhu hawshiisa dhamaysto, ardayadda loo geyn jiray koox
dhakhaatiir takhasus sare ah oo hubiyo in ay gabadha uur qaadday ama
dhaawacyo kale soo gaareen.
W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

NO COMMENTS