Howlgalo Lagu soo qabtay Ciidamo Dhac UGaysanayay Shacabka oo Lagu Qabtay Afgooye
| Wednesday January 09, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in rag ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia lagu soo qabtay iyagoo dhibaateenaya shacabka gobolka Shabelaha Hoose.
C/laahi Axmadeey oo ah guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka rag ka tirsan ciidanka Militaarka Somalia kuwaas oo dhacayay dadka degan qeybo kamid ah gobolka shabelaha Hoose.
Howlgalkaan lagu soo qab qabtay ciidanka dhaca gaysanayay ayaa waxaa laga sameeyay inta u dhaxeeyso deeganada nambar 50 iyo magalada Afgooye waxaana dadkaan ay dhac joogto ah u gaysan jireen rakaabka ku safra wadadaas.
Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in qof kasta oo dhibaateeso shacabka gacanta lagu soo dhigi doonno isla markaasna ay dhac iyo dhibaateen joogto ah ku haayeen shacabka soomaliyeed.
Guddoomiye C/laahi Axmadeey ayaa sheegay in ragas loo gudbinaayo Maxkamadda ciidamada qalabka sida isla markasna ay go’aan ka gaari doonto maxkamadda.
Si kastaba ciidamada dowlada Somalia ayaa lagu eedenayay dhawaanahan inay dhibaateeyaan dadka ku sugan gobolka shabelaha hoose iyo kuwa ku safra wadooyinka gobolka.
Cabdikariim Aadan Abdiraxmaan
Warbahinta Buurhakaab.com

NO COMMENTS