Wasiirka Difaaca oo la Kulmaya dhigiisa dalalka Uganda iyo Kenya

  Wednesday January 09, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Difaaca oo la Kulmaya dhigiisa dalalka Uganda iyo Kenya .

Warsaxaafadeed… Arbaco..9 .01.2013

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay oo Arbaco ah u safray Dalalka Kenya iyo Uganda si uu ula kulmo Wasiirada difaaca Dowladahaasi.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca Somalia ayaa ujeedada socdaalkiisu yahay sidii la isaga kaashan lahaa Howlgallada ay AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka uga xureynayaan cadowga guud ahaan wadanka ,horumarinta tababarrada ciidamada xoogga dalka iyo qaabkii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidamada XDS.

“Muhiimadda ugu weyn ee safarkeyga waxa ay tahay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Gobollada ay ku suganyihiin kooxda Alqaacidda ee alshabab”.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaan marnaba aysan Wasaaradda Gaashaandhiggu u dulqaadan doonin in Ajnabi dambiile ah uu kusii sugnaado wadanka gudihiisa kana shaqeeyo dhibaateynta shacbiga, isagoo ugu baaqay ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabab inay isaga baxaan Guud ahaan dalka inta aysan ciidamada Xoogga dalka iyo guud ahaa Ciidamada qalabka sida aysan gacanta kusoo dhigin dhagarqabeyaashaas.

“Dhallinyarada ay qaldeen Shabab waxaan ugu baaqayaa inay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan maanta oo ah in ay isasoo dhiibaan kana towba keenaan Dambiyadii ay ka galeen Bulshada cafisna ay weydiistaan waad ogtihiin maanta Alshabab wey jabeen mana lahan awood ay isaga difaaci karaan Ciidamada geesiyaasha ah ee DF iyo AMISOM” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi.

Xafiiska Xiriirka warbaahinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia.


DHAMMAAD.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS