Goorma Ayaa Kuugu Danbeysay Xog Dhamaystiran Oo Buurhakaba ku saabsan

  Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Goorma Ayaa Kuugu Danbeysay Xog Dhamaystiran Oo Buurhakaba ku saabsan .Waxaan Dood Ka taagnayn in maagalada Buurhakaba Ee Gobolka Bay Ay Tahay Magaalo Qadiimi Ah oo Ka facwayn Dhowr magaalo Oo Kamid Ah Dalkeena Somaliya.

Buurhakaba Waxay Dhanka Koonfur Galbeed Ka Xigtaa Magaalada Muqdisho oo Qiyaastii 165km Ujirto.
Dhanka Baydhabona waxay ujirtaa 61km.

Magaalada Buurhakaba ayaa ka mid ah magaalooyinka sanadahan dambe sida weyn u sameeyay horumarka dhinacyada adeega bulshada iyada oo waliba ay magaaladu noqotay mid si weyn u fiday oo gaartay meelo hore aanay dadku awal u degi jirin markii la waayay meelo ay dadku degaan taasina waxa ay magaalada u horseeday in uu magalaad ku yimaado koror xad dhaaf ah.


Magalaada Buurhakaba oo waqtiyadii hore ahayd meel ay ku nool yihiin tiro yar oo dad ahi oo aan ka badnayn 28,000kun dadkeeda Oo idill balse hada waxa ku nool in kabadan afar jibaar cadadkii hore, taasina waa tan sababtay in magaaladu inta badan ay noqoto mid saxmad iyo cariirii badan leh magaalada Buurhakaba waxa ka jira ganacsi xoog leh taasi oo ay kala siman tahay dhamaan magaalooyinka kale ee Somalidu degto.


Waxaana ganacsigaasi u kala socdaa dhamaan dalka oo dhan waxana ka furan oo xarumo ku leh ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee adeega u qabta bulshada.


Magaalada Buurhakaba waxa ka furan tiro dhowr ah oo iskuula ah oo ay dhigtaan arday tiro badan iyadoo la rajeynaayo sanadkan ay ka qalin jebiyaan arday badani.


Magaalada Buurhakaba waxa dhibta ugu badan ee ay dadku ka cowdaan ka mid ah xaga Biyaha oo aanay jirin biyo ku filan magaalada oo wada gaara. taasina waa ta keentay in ay magaalada biyaha u dhaamiyaan Booyado mararka qaar halka waqti roobadkana lawada isticmaalo biyo aan nadiif ahayn oo laga soo daro waraha ay caanka ku tahay magalada buurhakaba.


Qofka ay mudo hore ugu dambaysay Buurhakaba waxa uu arkayaa markiiba oo ay indhahiisu qabanayaan dhismayaal dhaadheer oo cusub Oo Ay dadku wada dhisteen Ayuu yiri mid kamid ah asxaabta ku sugan magaalada oo Aynu La xariirnay si xog dhamaystiran ugu helno hadii aynu nahay bahda websitka Buurhakaba.com.


Buurhakabawaxa ku yaala meelo laga raaco gawaarida Basaska yar yar iyo waaweyn kuwaasi oo u kala baxa Tuulooyinka ku hareeraysan magaalada, maadama ay adag tahay in ay dadku lug ku gaaraan, waxase maalmahan dambe ku soo biiray waa Tagaasi yar yar oo iyana lagu raacaayo qiimo jaban kuna gaynaaya meelaha aad u ubaahato, waxana keenay Ashkhaas gaar ah oo gacansi ahaan ugu shaqaysta.


Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee wax laga cabo ayaa ku badan magaalada iyada aad arkayso dhalinyaro badan oo koox koox u fadhiya meelahaasi sheekaduna ay si wacan isugu saaran tahay.waana astaamaha muujinaaya in ay magaalada ka jiro shaqo la`aan baahsani oo ay inta badan ka cowdaan dadka ku nool magaalada Buurhakaba. waxana ay dhalinyarta ku kaliftaa in ay inta badan ka doodaan siyaasada aakhirkana keenta in ay tahriibaan.


Inkasta oo aynaan hal maqaal ku soo koobi karin muuqaalka guud ee magaalada Buurhakaba hadana waxa aanu jeclaysanay in aanu intaasi ku koobno qaybta hore ee aanu kaga waramayno muuqaalka magaalada Buurhakaba.


Cawashooyinka Dadka Ay Ka Cawanayaan:

1. in aan Hormar sanayn Isbitaalka wayn Ee Magaalada.

2.in ilaa hada la'layahay Ceel biyood wayn oo wada gaari kara magaala oo idiil.

3.shaqo la'aan haysata dhalinta oo aan jirin mashariic ay ku dibiraan nolashooda.

4.xarumo waxbarasho oo ay uwada dhan yihiin dhamaan agabyada wax lagu barto.


intaa iyo in dhowr ah oo aynu ka xusi karno in aan jirin ganacsato maal gashi ku samaysa wax yaabo dhowr ah oo ay dadka degan wax badan kafaaidi lahayeen haday ahaan lahayd koronto joogta ah oo 24saac aan tagayn.


Waxaa hada aad u adag in la helo dhul Beec ah gudaha Magaalada buurhakaba, maadaama dadka wax iska gadaaya ay aad u yaryihiin qof kastana ay booskeeda banaan dhisaneeso kuwa kalana ay dib u dayactir kusameenayaan guryahooda si ay u dagaan ama u kireeyaan.


Mohamed Aadan Abdiladhiif
Alkhartoum_sudanul xabiib



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS