Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Tahriibayaal Ah Oo Ay Madax Furasho U Haystaan Burcad Liibiyaan Ah

  Thursday January 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Tahriibayaal Ah Oo Ay Madax Furasho U Haystaan Burcad Liibiyaan Ah .

Burcad u dhashay wadanka Liibiya ayaa gacanta ku dhigay 15 tahriibayaal Soomaaliyeed kuwaas oo kusii jeeday magaalad Tiriboli ee caasimada wadanka Liibiya qaarka kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo Dad Ehel Yihiin khartoum Joogaan Yaa sheegay iney gacanta u galeen kooxo burcad ah oo u dhashay wadanka Liibiya , Waxayna sheegeen iney meel ku xaraysteen iyagoo ka dalbaday in midkiiba uu isku furto lacag dhan kun iyo saddex boqol(1300 $)oo doolar.

Dhalinyaradan ayaa la sheegayaa in xiligan ay jirdil ku hayaan burcadu, deegaanka lagu hayo dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabaa Shubhaa oo qiyaas ahaan kun km(1000 km)u jirta magaalad caasimada ee wadanka Liibiya, waxaana ay sheegeen in ragga gacanta ku haya ay ku amreen in lacagahaas ay ku bixiyaan sid deg deg ah.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen iney soo mareen safarka halista badan ee saxaraha u dhexeeya wadamada Suudaan iyo Liibiya waxayna sidoo kale sheegeen in ninka lagu magacaabo Magafe kaasoo isbaaro u dhigtay tahriibayaasha Soomaaliyeedwaxayna intaa ku dareen in ninkaasi uu hore uga soo qaatay sideed boqol(800 $)oo doolar

Dhawaan ayey ahayd markii dhalinbyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa ay naftooda ku waayeen kadib markii si arxan darro ah looga Soo buuxiyey gaari kadibne hareeraha Shamiinto laga saaray taas oo kusoo dul duntay waxaana goobtaas ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ahaa ubixii mustaqbalka umada Soomaaliyeed.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS