Labada Madaxweyne Somaliya Iyo Sudan Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qatay

  Thursday January 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Labada Madaxweyne Somaliya Iyo Sudan Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qatay .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo maalmahan booqasho ku jooga Sudan ayaa xalay waxeey la kulmeen Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.

Safarkan uu Madaxweynaha ku joogo Sudan ayaa qeyb ka ah safaro Madaxweynaha uu ku marayay dalalka Geeska Afrika dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay. Safaradaan ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka ku yaala Geeska Afrika.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka reer Sudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen wafdiga Soomaliya. Sidoo kalena ku aamanay horumarka ay Sudaan gaartay oo ay ka mid tahay biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.

Ugu danbeyntii ayaa labada Madaxweyne waxey la hadleen saxaafadda kuna war-geliyeen in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Dhanka kale Wafdigan uu Madaxweynaha hogaamniyo ayaa xalay la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee jaamacado ka dhigta Sudan. Wuxuuna u sheegay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan kuna wargeliyay Soomaaliya in ay ayaga ay sugeyso loogana fadhiyo in ay dalka dib ugu soo noqdaan.Madaxweynaha ayaa uga digay ardayda in aysan tahriibin oo ay badda ku dhamaan ama dhulka lama dagaanka ah, kuna cel- celiyay in dalkooda wax u dhaamo aysan jirin.

Ugu danbeyntii ayuu ku wargeliyay in ardayda ilaaliso sharciyadda dalka Sudan iyaga oo dhowrayo sharaftooda iyo dhamaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS