Sarkal Mareykan ah oo Muslimay sheegayna inuu u yimid Dalka Afqanistan inuu Muslimiin laayo balse Ilaahay soo hanuuniyay

  Tuesday January 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sarkal Mareykan ah oo Muslimay sheegayna inuu u yimid Dalka Afqanistan inuu Muslimiin laayo balse Ilaahay soo hanuuniyay .

Sarkaal ka mid ah Ciidamada Maraykanka oo ku sugan Degamada Watabur ee Gobolka Kunar ee Dalka Afgaanistaan ayaa qaatay Diinta xaqa ah ee Islaamka.

James Grant, oo ka soo jeeda gobolka Marykanka ee Tennessee, ayaa sheegay in uu Diinta Islaamka qaatay ka dib markuu akhrinayey todobadii bilood oo ugu danbaysay Kitaabka Quraanka iyo Kutub kale oo ah kuwa Islaamka ah,wuxuuna sheegay inta uusan Muslimin,inuu markiisii hore Afqanistan u yimid inuu laayo Muslimiinta,balse Ilaahay uu hadda soo hanuuniyayna ogaadayna inuu muddu ku jiray Dembi-weyn,inkastoo loo sheegay in Dembigiisa ay u taalo inuu Ilaahay cafiyo marba hadii uu Gaalnimadii ka tagay qaatayna Diinta islaamka.
Sarkaalkan Maraykanka ah ayaa magaciisa u bedelay Mohammad Asif, isaga oo Masaajidka kaga dhawaaqay maalintii Jimcaha in uu qaatay Diinta Islaamka halkasna ku qira ASH-HADU ANLA ELAHA ILLA-ALLAH WA ASH-HADU ANNA MOHAMMADAN RASUL-ALLAH’.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu xaaskii la tashi la sameeyay ayna soo dhaweysay inuu iskiis u qaatay Diinta Islaamka iyadoo aan lagu qasbin,wuxuuna balan-qaaday hadii Ilaahay nolol Mareykanka ku gaarsiiyo inuu Diinta u soo bandhigayo Xaaskiisa 2-diisa Caruurta ah iyo waalidkiis.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS