Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda oo xalay Si Rasmi Ah Ufurmay.

  Tuesday January 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Waxaa xalay 12:00 habeenimo si rasmi ah ufurmay suuqa kala ibsiga ciyaartooyda aduuunka waxaana hadii Alle idmo aan maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararka ugu waa weyn suuqa kala iibsiga.

= Gool hayihii hore ee kooxda Chelsea Carlo Cudicini ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Mareykan ee LA Glaxy taas oo ka soo qaadatay kooxda Tottenham oo uu maalmahan ku sugnaa.sidaa waxaa qortay Goal.com.


= Weeraryahanka kooxda Newcastle Damba Baa ayaa sheegay in uu mar walba hubo in uu ka tagi doono kooxda Newcastle United balse uusan sheegi Karin kooxda uu ku biirayo.Sidaa waxaa qortay The Guardian.


= Kooxda SS Lazio ayaa lagu soo waramaya in ay heshiis sadex sano ah usoo bandhigtay xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Fran Lampard kaas oo ku kacaya €7.5m sidaa waxaa qortay LA Repubblica.


= Weeraryahanka Barcelona David Villa ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu bisha Janaury ka tago kooxdiisa ,laakin waxaa uu sheegay in markii uu dhamaado horyaalka Spain uu ka fakari doono aayihiisa.sidaa waxaa qortay Marca.


= Kooxda Chelsea ayaa diirada saareysa oo dooneysa in ay soo qaato laacika khadka dhexe kooxdda Atletico Madrid Arda Turan,kaas oo ay dooneyso in ay ku soo qaadato €24 million.sidaa waxaa qoray Fanatik.


= Kooxda Juventus oo diyaar u ah ay ku soo laabato loolanka loogu jiro xidiga duula ee kooxda Arsenal Theo Walcott sidaas waxaa qortay Tuttosport.


= AC Milan ayaa ku caririn karto kooxda Manchester United loolanka loogu jiro xidiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan sidaa waxaa qortay Corriere dello Sport.


W/Q: Captain Sheruu

Warbahinta Buurhakaba.com

Khartoum_Sudan

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS