Xasan Sheekh oo Sanad kadib imaaday Sudan Asigoo Madaxweyne ah.

  Tuesday January 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
 Xasan Sheekh oo Sanad kadib imaaday Sudan Asigoo  Madaxweyne ah. .

Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Waxay Goor Dhow Kasoo Degteen Garoonka Diyaaradaha Ee Damasiin International Airport ee dalka sudan kadib markii uu casuumad ka hellay dhigiisa dalkaas.

Madaxweynaha somalia Xasan Shekh Maxamuud ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amninaga Qaranka,Wasiirka Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Prof,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doonno madaxda dalka Sudan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkan Sudan Mudane Cumar Xasan Axmed Al Bashiir oo uu kala hadlayo xiriirka labada dal iyo howlaha ka dhaxeeya dalalka somalia iyo Sudan.

Madaxwenaha ayaa Gobolka Niil Abyad{blue nile},ugu Qeyb qaadan doono xaflada dabaaldaga sanadguuradii 57aad ee Xiligii ay xuriyada qaateen jamaahiirta sudaan oo maanta laga dareemaayo wadooyinka magalada khartoum.

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu ku wehliyo Wasiirka Maaliyadda ayaa la sheegaya inuu kala hadli doonno dalka sudan Halka ay marayaan howlihii dowladda Sudan AY Lacagta ugu samaynaysay dalka Somalia.

Dhanka kale Sida Uu inoo Sheegay Xoghaya Kowaad Ee Safaarada Mudane Axmed Ibrahim waxaa lagu wadaa in madaxweynaha khartoum kula kulmo Ardayda iyo jaaliyada somaliyeed ee sudan, oo sanad kadib soo dhaweyn doono xasan sheekh oo madaxweyne ah.

Waxaan Aqristayasheena Ubalan Qadaynaa in Wararka wafdiga madaxweynaha iyo sawiro idin soo gudbin doono hadii Alle yiraahdo.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Khartoum_sudanul xabiib

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS