Haween Tababar loo soo gabagabeeyay.

  Tuesday January 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Munaasibad aad u balaarneyd oo ay soo agaasimeen maamulka iyo howl wadeenada hay,adda horumarinta haweenka soomaaliyeed ee SWDC laguna soo gaba gabeynayay tababar mudo lix bilood ah usoo socday 30 xubnood oo kamid ahaa haweenka danyarta ah ee ku jira xaryaha barakacayaasha ee muqdisho ayaa lagu qabtay xarunta hay addaasi ee magaalada muqdisho. Tababarkan ayaa soo socdey mudadii u dhaxaysay july 15 ilaa 31 kii dec 2012 oo lasoo gaba gabeeyay waxaana haweenkani ay barteen mudadii lixda bilood ahayd ee ay casharada soo qaadanayeen xirfado kala duwan oo noloshooda mustaqbalka wax weyn u tari doona sida tolista dharka iyo ku shaqeynta farsamada harqaanka qeybaha qurxinta dumarka sida cilaan saarka iyo karinta dharka iyagoo madashaasina kusoo bandhigaymuuqaalo iyo agabyo ka turjumaya sida ay uga faa iideysteen wax soo saarkii la baray qaar kamid ah haweenkaasi oo goobta ka hadlayna waxay sheegeen in ay aad uga faa iideysteen farsamadii la baray waxayna uga mahad celiyeen maamulka SWDC dadaalkii dheeraa ee ay kusoo bixiyeen howshooda. Waxaa goobta munaasibada ka hadashay marwo maryan dakhal xuseen oo kamid ah mas.uuliyiinta hay addaasi oo sheegtay in faa iidada ay hawenkani ka heleen casharadii ay qaateen ay kasii weyn tahay barashada ay iyagu dhaxdooda iska barteen bulshada inteeda kale oo ay isaga dhow yihiin maanta mahadeedana ilaahay ka sokow ay leedahay hay addii isu keentay waxayna kula dar daarantay in ay ahaadaan kuwo mar kasta isku xiran waxaana goob joog ka ahayd la taliyaha xaga sharciga ee SWDC marwo sahra maxamed axmed . Layla maxamud cabdulle oo kamid ah howl wadeenada hay adda oo munaasibaddaasi xiriirineysay ayaa ayaa dhinaceeda waxay kula dar daarantay haweenkaasi in casharada ay qaateen ay uga faa,iideeyaan dumarka kale ee walaalohooda ah ee aan nasiibka u yeelan in ay duruustan qaataan waxayna sheegtay in ay ku dadaali doonaan sanadka cusub ee 2013 xirfado kale oo kuwan ka duwan in ay dumarka uga faa iideeyaan si noloshooda ay ugu sii kaabaan. Hay’adan ayaa si gaar ah waxay ugu taagan tahay danaha haweenka soomaaliyeed iyadoo dhowaana tababar usoo dhameysay 500 oo haween ah oo ka kal socdey 5 kamid ah degmooyinka gobolka banaadir. Waxaa goobtaasi lagusoo bandhigay muuqaalo ka turjumaya sida ay haweenkaasi casharadii ay qaateen ugu maareeyeen noloshooda oo ay ugu sii shaqeysteen ugu dambeyntiina waxaa halkaasi lagu gudoon siiyay hawenkaasi shahaadooyin cdeynaya wax barashadooda. Mas,uuliyiinta hay adda ayaa ugu dambeyntii goobtaasi ka sheegay in xafladani ay lahayd labo ujeedo oo kala ahaa soo gaba gabeynta barnaamijyadoodii sanadkii 2012 iyo xiritaanka tababrka haweenkaasi,waxayna haweenku kusoo gaba gabeeyeen munaasibadaasi farxad iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka. Goob joogayaalna waxaa ka ahaa iyaguna xaawo kiin iyo fartuun xasan zopral oo kamid ah howl wadeenada SWDC waxayna xfladu kusoo dhamaatay jawi farxadeed Mohamed Ali Shitaawe Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS