Ciidamada dowladda oo howlgalo ka wada Shabelaha Hoose
| Monday December 31, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Howlgalkaan oo ay sameenayaan ciidamada dowladda somalia.kuwa amisom oo dhinac ah ayaa waxay ka sameeyeen inti u dhaxayso deegaanka balidoogle iyo Yaaq bari weyne oo ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.
Howlgalkaan oo ay sameenayaan
ciidamada dowladda somalia.kuwa amisom oo dhinac ah ayaa waxay ka sameeyeen
inti u dhaxayso deegaanka balidoogle iyo Yaaq bari weyne oo ka tirsan gobolka
Shabelaha Hoose.
Baaritaankaan ayaa yimid kadib
markii dagaal xoogan shalay dagaal yanno ka tirsan AL SHabab ku qaaden ciidamo
marayay wadada u dhaxeeyso deegaanada Yaaq Bari wayne iyo Bali Doogle.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay
inuu yahay howlgalkaan mid amaanka lagu xaqiijinaayo isla markaasna lagu soo
qab qabtay tiro dhalinyaro oo u badan reer Guura iyo kuwo kale oo xoolo dhaqato
deegaanka ah kuwas oo lagu tuhmaayo inay xirir la leeyihiin kooxda AL SHabab.
Maalintii shalay ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo dagaalyanada AL Shabab uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegano u dhaxeeyo Bali Doogle iyo Yaaq Bari Weyne waxaana dagaalkii shalay uu qasaaro kasoo gaaray gaari rakaab oo dad shacab ah ay saarnaayeen oo madfac ku habsaday.
Mohamed Ali SHitaawe
Muqdisho-somalia

NO COMMENTS