Qaraxyo qasaro kasoo gartay Ciidanka dowlada oo Muqdisho ka dhacay
| Monday December 31, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Qaraxyadaan oo ahaa nuuca bamka gacanta laga tuuro ayaa lala eegtay xili ay ku sugnaayeen xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaan oo ahaa nuuca bamka
gacanta laga tuuro ayaa lala eegtay xili ay ku sugnaayeen xaafado kamid ah
magaalada Muqdisho.
Qaraxa 1-aad ayaa waxaa lagula
eegtay ciidamada dowladda oo ku sugnaa suuqa bakaaraha iyadoo ay ku tureen
dhalinyaro kadibna halkaas ay isaga baxsadeen iyadoo qaraxaas ay dhaawac kasoo
gaareen labo kamid ah ciidamada dowladda ee halkas ku sugnaayen.
Sidoo kale ilaa afar qarax kale oo
iyana ahaayeen nuuca bamka gacanta laga tuuro lala bartilmaameedsaday ciidamada
dowladda somalia oo fariisin ku lahaa xaafadda Al Baraka ee degmada Hodan.
Weerarkii bambaanooyin ee ka dhacay
Xaafadda Al Baraka ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa
ciidamada goobtaas deganaaayeen iyadoo ay baxsadeen dhinacyadii weerarka soo
qaadan.
Kadib ayay ciidamada qasaaraha la
gaarsiiyay ay rasaas fureen iyadoo la sheegay inay jirto qasaaro dadka
deegaanka kasoo gaaray rasaastaas.
Qaraxyada iyo dilalka ayaa magaalada
Muqdisho ka noqtay dhacdo joogto
Mohamed Ali Shitaawe
Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS