Kabo Ku Dukade oo ku hanjabay inuu qabsan doonno Sh/dhexe iyo Dowladda oo ku tilmantay nin Riyo ku jira.
| Monday December 31, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Wakiilka AL Shabab ee Gobolka Aan gacanta ugu jirin ee SHabelaha Dhexe Sheekh Yuusuf SHeekh Ciise Kabo ku dukade ayaa sheegay inay dib u qabsan doonaan AL Shabab degmooyinka gobolka Shabelaha Dhexe kadib markii dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda somalia.
Wakiilka AL Shabab ee Gobolka Aan
gacanta ugu jirin ee SHabelaha Dhexe Sheekh Yuusuf SHeekh Ciise Kabo ku dukade
ayaa sheegay inay dib u qabsan doonaan AL Shabab degmooyinka gobolka Shabelaha
Dhexe kadib markii dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda somalia.
Kabo ku dukade ayaa ugu baaqay oo ka
codsaday dadka deegaanada Shabelaha Dhexe degan inay ka qeyb qaataan dib u soo
dhicinta gobolka Shabelaha Dhexe isla markaasna ay dagaal la galaan ciidamada
midowga Afrika iyo kuwa Somalida ee ku sugan gobolkaas.
Wakiilka AL Shabab ee Gobolka Aan
gacanta ugu jirin ee SHabelaha Dhexe Yuusuf Kabo ku dukade ayaa intaas raaciyay
inay walli dagaal yahanadooda ay weeraro ku qaadan oo ay dagaallo la galaan
ciidamada dowladda iyo kuwa AMisom isagoo tusaale u soo qaatay weeraro qaraxyo
oo ciidamada dowladda fariisin ay ku lahaayeen magalada Jowhar ee xarunta
Gobolka Shabelaha Dhexe.
Dhinaca Kale,Maamulka Gobolka
Shabelaha Dhexe ee dowladda somalia ayaa sheegay in hadalka Yuusuf Kabo ku
dukade uu yahay hadal iska sheegasho ah.
Cali Cismaan Ibraahin oo ah
guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabelaha Dhexe dhanka Maaliyadda ayaa ku
tilmaamay Yuusuf Kabo ku dukade nin riyo ku jira oo uu ku tilmaamay inuu yahay
kabo Ku dukade nin Baxsad ah oo geed hoostiisa ku hoyda.
Si kastaba AL Shabab ayaa waysay gobolo badan oo dalka somalia iyadoo awooddii AL SHabab ay wiiqantay waxana ciidamada dowladda somalia ay la wareegeen magalada Jowhar iyadoo aan wax dagaal ah aysan la galin AL SHabab oo isaga baxsaday deegaankaas.
Mohamed Ali SHitaawe
Buurhakaba.com, Muqdisho

cabdulqadir
Monday December 31, 2012 - 23:32:41
insha allaah murtadiinta iyo kuwa caloosha ushaqeysatada insha allaa waa laga saari doonaa sha/dhehe hadii calaha abooda leh edmo he bi'dini allaah