WARBIXIN KULAMO DEG-DEG AH JAALIYADA SOOMAALIYA DIGIL-MIRIFLE AUSTRALIA
| Friday December 28, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Melbourne, 27/12/2012
waxaa magalaada Melbourne kulan degdeg ah isugu yimid Jaaliyada Digil Mirifle,
Australia.Shirka waxaa loogu hadlay arrimo la xariiran
dhisida dowlada goboleedka deegaanada Digil-Mirifle ee Soomaaliya.
Kulankaan degdeg ahaa
waxaa kasoo qayb galay kooram buuxa oo ka mid ah xubnaha Jaalliyadda, waxaana
kulanka shirguddoominayey Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Aweys Sheikh
Muxiyadiin Amiin oo ay garab fadhiyeen labadiisa guddoomiye kuxigeen Mudane
Maxamed Ibraahim (Sydney) iyo Mudane Cabdi Cabdiraxmaan Sheekh, iyo weliba
Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud.
Waxaa shirk aka soo qayb gashay Fadumo Hussein (Faayow) booqasho rasmi ah noogu
timid magaaladda Brisbane. Faayow oo in muddo ku maqneed Soomaalya howlo la
xariira dhismaha dowlad gobleedka ayaa warbixin ka bixisay qaabka ay u socdaan
dhismaha dowlad ee degaanada Digil-Mirifle.
Ajandaha kulankaan degdegga ahaa
laysugu yeeray si qotadheerna halkaa loogu lafaguray wuxuu ahaa howsha dhismaha
dowlad-goboleedka Koofureed ee haatan ka socota Muqdisho iyo qaabkii Jaaliyada
door weyn ugu qaadan laheed dhisida maamulkaas.
Muddadii shirka lagu guda jiray ayaa
waxaa fursad loo helay in si toosloola hadlo Guddiga Farsamada dhisada
dowlad goboleedka ee ay dhawaan soo magacaabeen Malaaqyada iyo Salaadhiinta
Digil-Mirle ee ku sugan magaalada Muqisho.Ka qeybgalayaasha shirka waxay
warbixin ka dhegeysteen xubnaha Guddiga Farsamda qaar ka mid, iyadoo ayagana
talo iyo tusaalooyin siiyey Guddiga, waxayna balan qaadeen in ay gacan balaraan
ka gaysan doonaan howshaan muhimka ah.
Goobta shirka waxaa lagu magacaabay
guddi ka kooban shan xubnood oo ka howlgala qaabkii Jaaliyada uga qeyb qaadan
lahayd dhisidda dowlad goboleedka.
Shir ay ka soo qayb galeen Jaaliyada Digil-Mirifle
ee Australia ayaa lagu qabtay hoteelka Regency, Melbourne. Waxaa kale ka soo
qayb galay Mudane Awes Sh. Muxiyadiin Amin-Guddoomiyaha Jaaliyada Digil-Mirifle
ee Australia, Jeneraal Maxamed Cali Atoosh oo ahaa Wasiir K/X Wasaarada
Gaashandhiga DFS, iyo Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud Guddoomiyaha Guddiga
Odayaasha Jaaliyadda.
Shirkaas, waxaa si weyn
loogu soo dhaweeyey Jeneral Maxamed Cali Atoosh oo dhawaan ka yimid dalka
Soomaaliya. Jeneraalka ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaaladaha soo maray
wadanka Soomaaliya laga soo bilaawo 1950 illaa iyo manta. Jeneraal Maxamed Cali
Atoosh waxuu ka warbixiyey xaaladda manta uu marayo wadanka, dhinaca siyaasada,
dhaqaalaha, nabad-gelyada, arrimaha bulshada, iwm.
Jeneraal Atoosh, waxuu Jaaliyada kula
dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada, isixtiraamaan, wax-wada qabsadaan,
asagoo ku adkeeyey in ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska iyo
horumariinta wadanka.


NO COMMENTS