Our Language Is Maay Maay...{maqaal}...by Mohamed Aadan Abdiladhiif
| Sunday December 23, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Taariikhda
luqad kasta waxay ku xiran tahay degaanka iyo waqtigii la soo degay.
Waxaana arrintaasi ula jeedaa in Af-Maayga uu yahay Afka ugu da'da weyn
ee gobolka geeska Afrika. Degaanka geeska Afrika gaar ahaan qeybta
Rift-Valley oo ay ka mid yihiin Mooyaale, Mandheera, Gobolada Gedo,
Bakol, Bay, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose, Oo ay ka soo
faracntay luqada Af-Maayga. Taana waxaa caddeyneya in markii la soo
degay Soomaaliya, waxaa laga bilaabay in la dego gobolada Kor Aan ku soo xusnay oo aqoonyahanada ku takhasusay luqadaha ee Jaamacadaha aduunka
ku sheegay goboladan in ay yihiin "The Mankind Language in Horn of
Afica".
Afka Maayga wax badan ayey ka fac weyn tahay Afka Maxaatiriga ah,
Af-Maay ama Af Maay Maay Waa mid ka mid ah luqada Afka soomaaliga. Oo Kala Ah: maay Iyo Maxaatiri. Luuqada Maayga Oo Aad Hodan U Ah waxaa Kamid ah xarfaheeda:
- (Af maay) Boggung Buurhakaba.com weyba gaar ing eya dhigmiyaalk liki dhiki alif Soomaali, weybuwa meel lang welbow abtugaal iyo dhigmsuubis ka kordhiye koro.
- (lahjad af maay) Baalakan Buurhakaba.com way qaas an ey dhamaan walii af Soomaali ka dhikanyee.
- Sida aad ogsoontahay soomaalida waxee u kala qeebsamaan:
- Sab
- Samaale
Soomaalida (sabta) ah waxay ku hadlaan (Af maay), Soomaalida (Samaale) ah neh waxee ku hadlaan (Af-Maxaa tiri. Af maay waxay ka midtahay labada farac oo ugu waaweyn afka soomaaliga, waxaana looga hadlaa gobolka Bay,Shabeellaha Hoose, Bakool, Gedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose,Banaadir iyo meelo ka mid ah deegaanada ismaamulka soomaali galbeed ee itoobiya iyo waqooyi bari ee dalka kenya.
Marka laga hadlaayo afka soomaaliga waa af aad hodan u ah lehna lahjado
kala duwan oo qowmiyado gaar u ah sida hadii aan soo qaato af ka {maay
maay} oo aan doonayo inaan ka hadlo. marka taariikhaha ay soomaalidu
leedahay laga hadlayo ee si aan hagar la aan ah loo macneeyo waxaan
garan karnaa wax walba oo soo jiray qof walba hortii. laakiin waxaa
nasiib daro ah qof walba oo soomaali ah ee qalin qaado ama tacliin heer
uu wax qoro ama alifo uu gaaro waxuu ku caan baxaaa hagar, iyo been
abuur,maladiisa ah oo uu cilmi ka dhigo, xaqiraad, iyo waliba is difaac ayuu
ku caan baxaa shaqsigaas aan kor ku soo xusnay ee ay bulshada
soomaaliyeed ay u taqaano aqoon yahan. hadaba marka laga hadlayo afka
maay maayga waa af hodan ah dhan walba oo laga eego iyadoo ay sidaa
jirto hadana ereyo shisheeyana kuma kiraan oo waa af soomaali keliya
sida aanu la socono east africaanka oo idil luqado hooda waa ururis laga
kala helay luqado kala duwan marka laga reebo luqada soomaaliga gaar
ahaan afka maay maayga ah, dhanka kale markaad eegto waayadii aanu
dowlada lahayn marka ay timaado marxaladaha aduunka ay kaga hadlaan
luqadohooda oo uu yimaado tartan luqadeed. soomaalidii hore waxa ay ku
tartami jireen amaba ay isticmaali jireen af maay maayga hadaba hadii
aan u soo noqdo dhab ahaan waxa uu dhaxal u leeyay waaa . dhaqanka
soomaaliyeed waxaana looga hadli jiray soomaliya badankeed halka hada
loogu hadlo bay iyo bakool iyo carada dhoobeey, waxaan rajeeynayaa in
hadeer la joogo xiligii Afmaayga In Qofka Aan garanayn uu privatyo Ama Meelo Luuqadan Maayga Lagu Barto Tago insha allah.
Waxaa Qorey:
Mohamed Aadan Cabdiladhiif
Mo_Aadan@hotmail.com
Khartoum Sudanul xabiib

NO COMMENTS