Maxaa Kala Socotaa Ciidanka Kenya Ee Ka Howlgala Jubooyinka...maqaal

  Friday December 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxaa Kala Socotaa Ciidanka Kenya Ee Ka Howlgala Jubooyinka...maqaal .Sanadkii 2009 ayaa Maraykanka waxaa loo qaaday Lix Sargaal oo ka tirsan Xiidanka Kenya si ay u Hogaamiyaan duulaan la qorsheeyay in Ciidamada Kenya ay ku qaadaan wadanka Soomaaliya. Qorshahan oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa lagu adkeeyay Saraakiishaan inaysan cidna u sheegi karin.

Bishii Agoosto 8. 2009 ayay lixda Askari oo uu horkacayo kabtan Xavier Omondi gaareen xarunta Ciidanka Ilaalada Qaranka ee magaalada Benning gobolka Georgia ee dalka Maraykanka.

Dhowr bilood ka dib markii ay kasoo laabteen tababarkaas, waxaa Wadanka Kenya gudihisa looga furay xarun cusub oo lagu tababarayo ciidamo loo bixiyay Rangers Strike Force, xaruntaas oo qudheedu aheyd xiligaas mid qarsoodi ah, waxa tababaro looga furay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Isla waqtigaas waxa laga furay isla Kenya xarun kale oo ay Maamulaan Ciidanka Ingiriiska loona bixiyay Xarunta Special Force waxana lagu biiriyay xarunta aan kor kusoo sheegnay ee Rangers Strike Force 40RSF.

Labada ciidan RSF iyo SF oo ay gacanta ku hayaan ciidamo kala ah Maraykan, Ingiriis iyo Yuhuud iyo tiro yar oo Kenyan ah oo lagu soo tababaray Maraykanka, waxay ahaayeen qarsoodi ilaa laga soo gaaray duulaankii Soomaaliya ee loo bixiyay Operation Linda Nchi oo ay ciidamada Kenya oo garabsanaya Maraykan iyo Ingiriis kusoo galeen gudaha Soomaaliya.
Waxqabadka ay muujiyeen ciidankii lagu soo tababaray Maraykanka iyo sida ay u laayeen Soomaalida waxa Madaxweyne Mwai Kibaki uu ku gudoonsiiyay ciidankaas bilado iyo dalacsiin kala duwan.

Ragga la gudoonsiiyay biladaha ee kusoo tababartay Maraykanka waxa ka mid ah Kabtan Boniface Waithaka oo la siiyay Xidig Qalin ah, wuxuna hada hogaamiyaa Boniface ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Bilis-Qooqaani, Soomaaliya. Sidoo kale waxa abaal-marin la siiyay Samwel Marwa, Abdullahi Gabow, Emedele Epakolok iyo Mwambuzi Simba. Bilada ugu sareysa Kenya ee la yiraahdo Head of State Commendation waxa la gudoonsiiyay Ranger Onsemus Namu. Ragaan dhamaantood waxay kusoo tababarteen dalka Maraykanka.

Xarunta ugu weyn ee Ciidamadan Special Operation-ka waxay ku taalaa degaanka Gilgil, si aad ugu biirto ciidankaasna waxad u baahan tahay inaad tahay askari aad u wanaagsan xagga adkaysiga iyo akhlaaqda.

Mohamed Aadan Xilibaan
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS