Taliska Militariga SH/Hoose oo ka warbixiyay Qarax xalay Wanlaweyn lagula eegtay Ciidamada dowladda.
| Tuesday December 11, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Cumar Cali Caddoow oo ah Abaandullaha ururka 3-aad ee ciidamada Militaarka dowladda somalia ee ku sugan gudaha gobolka Shabelaha Hoose
Cumar
Cali Caddoow oo ah Abaandullaha ururka 3-aad ee ciidamada Militaarka dowladda
somalia ee ku sugan gudaha gobolka Shabelaha Hoose oo u waramayay Dalsan Radio
ayaa ka warbixiyay qarax xalay lala eegtay ciidamada dowladda somalia oo ku
sugnaa degmada Wanlaweyn ee gobolkaas.
Taliye
Cumar Cali Caddow ayaa sheegay inaysan wax qasaaro ah kasoo gaarin weerarkaas
qarax lala beegsaday ciidamada dowladda somalia oo lagu weeraray qarax bambaano
fariisin ay ku lahayeen ciidamadaas degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha
Hoose.
“Degmada
Wanlaweyn wax sidaas u weyn kama dhicin mar ay ahayd halka saac ee fiidkii ayaa
ciidan Roondo ah oo magaalada wareegayay oo raba inay ka hor tagaan wixii falal
amaan darro ah sababi kara ayaa meel ay marayeen waxaa looga soo tuuray Bam
wuxuuna ku dhacay ciidanka gadaashiis qof ka tirsan ciidamada oo wax ku
noqotayna ma jiro ayuuu yiri Taliye Cumar Cali Caddow.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AL Shabab oo ku aadan qaraxaan
Maxamed Cali SHitaawe

NO COMMENTS