Sargaal ka tirsan Ciidanka Dowladda gobolka Bay oo sheegay in Sharci darro uu ku xeran yahay Madaxii FAO ee goboladas.
| Wednesday December 12, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Taliyihii hore ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Gaashanle Aadan Biid ayaa sheegay in si sharci darro ah uu ku
Taliyihii
hore ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Gaashanle Aadan Biid ayaa sheegay in
si sharci darro ah uu ku xeran yahay Madaxii Gobolka Bay iyo Bakool ee Hay’adda
Qaramada midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FOA kaas oo dhawaan lagu
xeray magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Gaashanle
Aadan Biid ayaa sheegay in Ninkaan uu taliyaha Booliska qeybta Bay uu ku
eedeyay inuu la shaqeenayay AL Shabab wuxuna sheegay Aadan Biid inay taas tahay
mid aan xaqiiq loo hayn.
Aadan
Biid ayaa sheegay in sababaha loo xeray ninkaan ay tahay in xilka booska uu
haayo ay rabaan in ay qof kale ay ku badalaan isla markaasna aytahay sababta ka
dambeysay xariga Mas’uulkaas.
Mas’uulkaan
u qaabilsanaa Hay’adda FOA gobolada Bay iyo Bakool ayaa lagu magacaabaa
Caydaruus waxaana dhawaan xeray Maamulka Gobolka Bay kuwaas oo ku eedeyay inuu
la shaqeen jiray AL Shabab.
Si kastaba ma jiro war taageeraya hadalada dhinacya kala duwan kasoo baxaya ee ku aadan Xariga loo gaystay madaxii Hay’adda FAO ee gobolada Bay iyo Bakool.
Maxamed Cali SHitaawe
Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS