Howlgallo Amaanka lagu sugaayo oo Jowhar ka soconaya.
| Tuesday December 11, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Howlgaladaan
ayaa oo ay sameenayan ciidamda dowladda iyo kuwa AMisom oo iskaashanaya
ayaa ka bilaabay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
Ciidamada
dowlada somalia iyo kuwa Amisom ayaa dhawaan la wareegay magaalada jowhar
ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo mudo ka badan afar sannadood ay
gacanta ugu jireen AL Shabab.
Wararka
ka imaanaya magaalda Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda iyo kuwa
AMisom ay saakay ka wadaan howlgalo dib loogu xaqiijinaayo amaanka magaalada
iyo dhismooyinkii dowladda halkaas oo laga cabsi qabo inay ku jiraan waxyaabaha
qarxa.
Guddoomiyaha
Degmada Jowhar Maxamed Amiin Aqiil oo u waramayay Dalsan Radio ayaa
sheegay in howlgalkaan saakay ka soconaya magalaada jowhar uu yahay mid
lagu nadiifinaayo magaalada isla markaasna ay si gaar ah u baarayaan xarumihii
ay deganaayeen Hay’adaha Gargaarka iyo dhismooyinkii dowladda oo laga cabsi
qabo sida uu sheegay guddomiyaha in lagu xeray Miinooyin.
Ciidamo aad u hubaysan ayaa shalay gaaray magalada Jowhar ee xarunta Gobolka SHabelaha Dhexe kuwaas oo saakay ku dhaqaaqay howlahooda baaritaan waxaana ay kaashanayaaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika oo ku wehliya howlgalkaas.
Maxamed Cali Shitaawe

NO COMMENTS