.Augustine Philp Mahiga"Suxufiyiina Waxaa Loo Dhibaateeyaa Sedax Arin"

  Monday December 10, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Augustine Philp Mahiga .Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa khudbad uu ka jeediyay Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta xuquuqda aadanaha Aduunka oo ka dhacday Xarunta Xalane ka hadlay dilalka loo geysto suxufiyiinta.

Amb. Mahiga ayaa sheegay in sababaha loo dilo Wariyeyaasha ay salka ku heyso saddex arrimood, isagoo tilmaamay in Wariyaasha ay yihiin udub dhexaadka bulshada, isla markaana la doonayo in la aamusiyo codkooda.

"Wariyeyaasha saddex arrimood ayaa loo beegsanaya, waa tan koowaade waxay tabiyaan horumarada jira, iyo guulaha milateri ee laga gaaray kuwa xagjiriinta deegaanadii laga saaray, waxaa ka dambeeya Al-Shabaab si ay isu muujiyaan, warbaahinta caalamkana isu tusaan inay wali jiraan"ayuu yiri Amb. Mahiga.

Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in Wariyuhu aanu ku hubeysneyn qori, balse uu ku hubeysan yahay qalinka, waxaana tan labaad ee loo ugaasado ku tilmaamay, iyagoo ka hadlay arrimaha wax is daba marinta iyo musuq maasuqa, hase ahaatee ay jiraan kuwo dambniilayaan ah oo doonaya inay qariyaan arrintooda.

Sidoo kale Mahiga ayaa xusay inay jiraan dad diidan horumarka iyo is bedelada, isla markaana doonaya inay dadka ka dhigaan kuwo dhaga la', isla markaana ay sameystaan wixii ay doonaan, iyagoo aan jecleyn inay warbaahinta hormarto.


Maalinta Caalamiga ee Xuquuqul insaanka oo ku beegan 10-ka December ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay tacadiyada suxufiyiinta, waxaana sanadkan kaliya lagu dilay Soomaaliya ilaa 18-wariye oo aan gacanta lagu dhigin kooxihii ka dambeeyay.

Munaasabada maalintan oo ay soo qaban qaabisay Midowga Yurub ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirada dalalka Mareykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Denmark iyo kuwa kale.

Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS